Jeneral Morgan oo Baahiwayn uqabtay Puntland ayaa si diiran Lagu soo Dhaweeyay Boosaso

moorgan

Waxaa Magaalada Boosaaso xarunta Ganacsiga Puntland si deeran loogu soo dhaweeyey Jeneral Maxamed Siciid Xirsi Morgan Oo Kamid ahaa Saraakiisha Dowladii Kacaanka soona noqday Wasiirkii Gaashandhigga dowladdii Kacaanka.

Jeneraal Moorgan waxaa kusoo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso odayaasha Dhaqanka, qaybaha kala duwan Shacabka Magalada Boosaaso Iyo saraakiisha ciidanka Puntland, Jeneralka Moorgan ayaa shegay in sababta uu Boosaaso u yimid ay tahay Caleema saar Dhawaan ka dhici doona magaalada Carmo ee Gobolka Bari.

General Maxamed Siciid Xirsi Morgan ayaa laga yabaa in uu u sharaxan yahay doorashada Madaxweynaha Puntland ee Sanadka 2019-ka taas oo wali uusan shaacin musharaxnimadiisa .

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.