Deg Deg:Wasaarada Arimaha dibada Imaaradka ayaa Cambaaraysay laamaha Aminga Soomaliya

imaardka

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta ayaa cambaareysay mas’uuliyiinta Soomaaliya in ee qabtay diyaarad gaar ah oo ay leedahay Imaaradda Imaaraatka Carabta taas oo waday lacag Iyo 47 askari oo ka tirsan saraakiisha Emirati, Taas oo sababtay in diyaradaa lagu xanimo dhowr saacadood garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Imaaraadka Carabtu sidoo kale waxay muujisay sida ay uga xun tahay sida ay qaar ka mid ah ciidamada ammaanka ee Somaliya ula dhaqmeen ciidamadii Iyo shaqaalihii imaaradka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale dhalleeceeyay qafaalashada lacagaha Iyo qoryaha, taas oo loo qoondeeyay ciidamada Soomaaliya si ay u bixiyaan mushaarkooda. Tani waxay qayb ka ahayd iskaashiga milatari ee ay kala saxiixdeen labada wadan ee Noofembar 2014.

Wasaaradda arrimaha dibedda ayaa intaas ku dartay in tallaabadaasi ay ahayd sharci darro, iyada oo ka soo horjeeda qawaaniinta asaasiga ah ee diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dal Waxay ka dhigan tahay xadgudub halis ah oo ku saabsan qodobbada qoraalka ee fahamka, taasina waxay ka hor imaanaysaa sharciyada caalamiga ah iyo xeerarka.

Warbixinta ayaa intaa sii raacisay in xadgudubkaan imaanaya xili Imaaradka siinayo taageero siyaasadeed, dhaqaale, ciidan iyo gargaar bini’aadanimo si ay gacan uga geystaan ​​dib-u-dhiska nabadgelyada iyo degenaanshaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya .

warka imaardka 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.