Daawo:Tartanka Orodka oo Muqdisho Kadhacay iyo Wasiir Khadiijo ka qayb gashay

maraton

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho lagu qabtay tartanka Orodka gaaban ee Muqdishu Mini Marathon waxaana tartankaa Orodada Gaaban ka qayb qaatay 370 Orod yahan oo ka kala socda 17-ka Degmo ee Gobolka Banaadir iyadoo Degmo waliba laga soo xulay 22 Ciyaartooy oo u badan kuwo da’ yar ah.

Tartanka ayaa waxuu kasoo billaawday Aargada Kiilo mitir Afar waxaana kasoo qayb galay Wasiiradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya, Khadiija maxamed Diiriye, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow) , Guddoomiyaha sportiga Gobolka Banaadir Xasan Xaaji yabaroow iyo masuuliyiin kale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.