Xiisadii Barlamaanka oo cirka isku shareertay

jawaari

Waxaa fashil u muuqdo wada hadalkii Madaxweyne Farmaajo uu ka dhex waday Xildhibaanada Golaha Shacabka oo laba dhinac u kala jaban.

Fashilkaan waxa keenay kadib markii shalay Muqdisho ay ku shireen Xildhibaanada difaacaya Gudoomiye Jawaari, kuwaasi oo ka digay in maalinta Berri ah Baarlamaanka la horkeeno Mooshinka laga soo gudbiyay Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Xildhibaanada Mooshinka wada ayaa sheegay Arbacada in Mooshinkooda ay horgaynayaan Golaha Shacabka si uu dhamaado mooshinkii laga waday Jaawaari.

Sidoo kale Xildhibaanada Difaacaya Gudoomiye Jawaari ayaa ka digaya in Baarlamaanka la horkeeno Mooshinkaasi maalinta Berri ah.

Waxaan la ogayn meesha ay ku soo dhamanayso muranka hareeyey golaha shacbka soomaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.