AKHRISO: Maxaa dhexmaray Xildhibaanada Beesha Daarood & Madaxweyne Farmaayo kulan saacado badan qaatay oo xalay dhexmaray labada dhinac?

Warsidaha Gedotimes.com ayaa ogaaday in uu xalay dhacay kulan xasaasi ah oo ay yeesheen guddi Xildhibaano, Odayaal, Siyaasiin iskugu jira oo ay iska xuleen xubnaha Beesha Daarood ee kusugan magaalada Muqdisho & Madaxweynaha dawladda Faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo looga wada hadlay arrimaha siyaasadeed ee kajira gudaha dawladda Faderaalka.

Xogta soo gaartay Gedodtimes.com waxay cadeynaysaa in aan waxba lays kula harin shirkan, oo ay Guddigan gaarka ah Madaxweynaha u soo sheegeen in uu gabi ahaanba gabay waajibaadkii Qaran ee loo doortay, sidaas oo kalena uu awoodiisii ku wareejiyey Raysalwasaare Xasan Cali Kheyre oo uu cadaadis awgiid ugu wareejiyey.

Xubin sare oo katirsan guddigan ayaa u sheegay Puntlandtimes.com in uu Madaxweynuhu aad uga carooday arrimahaas, uuna cadeeyey in uusan xaq u laheyn laakiin xaqiiqada taala ay tahay in sidda wax ku socdaan uu wax badan ka og tahay.

Guddigan waxay u sheegeen Madaxweyne Farmaajo in haddii meesha uu ka baxo gudoomiyaha baarlamaanka, cidda kaliya ee kuxigta ee baxaysa si bahdilan loo jiidi doono ay tahay isagga, loogana baahan yahay in uu garowsado waxa soo socda inta uusan hadda si barax la’a taageero ugu muujin garabka Xasan Cali Kheyre hogaaminayo.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu ka balanqaaday Guddigan gaarka ah ee la kulmay arrimo ay ka mid yihiin.

In uu si deg deg ah u joojinayo kalfadhiga baarlamaanka ee laqorsheeyey in uu dhaco 31 MarchIn uu si deg deg ah ula hadli doono dhinacyada ay khuseyso, gaar ahaana Gudoomiyaha baarlamaanka & XukuumaddaIn uu si dhameystiran u cadeyn doono mawqifkiisa ku aadan arrimaha hadda taagan, uuna gudan doono waajibaadkiisa Qaran ee Dastuurku siiyey marka la joogo sareynta sharciga iyo nidaamka ee dalka

Sidaas oo kale wuxuu muujiyey sidda ugu qanacsaneyn in faragalin siyaasadeed iyo xasiloonida dhanka siyaasaddu ay lunto, wuxuuna ku eedeeyey garabka Gudoomiye Jawaari in ay wadeen mooshin siyaasadeed oo ay doonayeen in ay ka keenaan Madaxda ugu sareysa dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, taas oo laga jawaabay, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Balan-qaadyadii uu xalay balan-qaaday Farmaajo mid kamid ah ayuu ku dhawaaqay saakaba, kaas oo ahaa in gabi ahaanba la hakiyo kalfadhiga baarlamaanka ee maanta dhici lahaa, taas oo u muuqata dadaal siyaasadeed iyo culeys xoog badan oo soo fuulay saacadihii ugu dambeeyey loogana dalbanayay kala badbaadinta golaha Shacabka

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.