Sawirro:-Wasiirada arimaha dibada Soomaaliya iyo Kenya oo isla meel dhigay arinta Beladxaawo

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo dhiggiisa Kenya Monica Juma oo ku kulmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ka wada hadlay xaaladda xuduudda labada dal iyo Xiisada maalmahaan ka taagneed magaalada Beladxaawo ee gobolka Gedo oo ciidamada Kenya ay ka dhisayeen Derbi taas oo dadka deegaanka ay ka soo hor jeysteen.

Kulanka labada Wasiir waxaa ku wehlinayay sii hayaha safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ahna qunsulka guud ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya Cali Maxamed Sheekh (Cali Bagadi) iyo diblomaasiyiin ka tirsan labada dal.

Wasiirrada ayaa isla gartay fulinta go’aanka Madaxweynayaasha labada dal ee ah in xaaladda Beledxaawo iyo Mandheere loo maro guddi farsamo oo ka kooban Maamullada Gobollada Gedo iyo Mandheera, kuwaas oo kulamo ku yeelan doona labada magaalo si ay isula meel dhigaan waxyaabihii ay ku heshiiyeen labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya.

Sidoo kale, Labada Wasiir ayaa isku raacay in shirka xiga ee Guddiga wada-jirka ah ee labada dal lagu qabto Degmada Mandheera sida ugu dhaqsiyaha badan, halkaas oo looga hadli doono xallinta arrinta xuduudda iyo iskaashiga labada dal.

Kulankan ayaa laga yaabaa inuu gogol xaar u ahaa kulan ay madaxweynayaasha labada dal ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Kenya Uhuru Kenyatta ay ka yeelan doonaan xaaladihii ugu dambeeyay ee ka soo kordhay xadka labada wadan.

Kulanka wasiirada arrimaha dibada labada dal ayaa yimid kadib markii dhowaan ay qadka taleefanka ku wada hadleen labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya iyo guddi labada dal ay u xil saareen xalinta xiisada Beladxaawo oo ka dhacay magaalada Mandheera.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.