Dayaca kajira Safaaradaha iyo Dal-daloolada Dowladda Soomaaliya W/Q: Shaafici Cabdinuur Magan.

shaafici

Soomaaliya waxay caalamka ku laheyd dhowr iyo sagaashan safaaradood, oo ku kala yaalay shanta qaaradood ee Aduunka, kuwaas oo u shaqeyn jiray si lamid ah sida ay u shaqeeyaan safaaradaha caalamka ee daafaha dunida ku yaal.
Balse qaran jabkii dalka ka dhacay iyo burburkii kuyimid dowladii dhexe ee soomaaliya horaantii sagaashameeyadii waxaa albaabada loo laabay inta badan safaaradaha ay soomaaliya caalamka ku laheyd marka laga reebo dowlado kooban oo badankood ka tirsan qaaradaha Aasiya iyo Afrika oo sii shaqeynayay, taasi oo ay sabab u aheyd xiriirkii wanaagsanaa ee ay la laahaayeen xukuumadii kacaanka.
Soomaaliya ayaa safaaradaheeda waxay danjirayaal uga dhigan jirtay safiiro waaya arag ah ama ugu yaraan muddo sanado ah ka soo shaqeynayay wasaaradda amuuraha dibadda, sida uu iisheegay danjire horane majirin cid la iska magacaabi jiray iyadoo aan soo marin qaabab aan hoos ku xusi doono.
Dowladii ka horeysay midda hadda jirta ee Madaxweyne xasan sheikh maxamuud waxay labadii sano oo u horeysay xoogga saartay soo nooleynta xiriirkii wanaagsanaa ee ay soomaaliya caalamka la laheyd kahor Dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay. waxaa wasiir arimo dibadeed loo magacaabay haweeneey aabaheed uu ahaa diblomaasi soomaaliyeed oo safiir buuxa soo noqday, ayadune muddo sanado badan ah ka soo shaqeysay wasaaraddii arimaha dibadda ee soomaaliya, aqoon bandanna u laheyd diblomaaisyadda iyo la dhaqanka dunida, qaab xadaarad ku saleysan, waa Fowziya yuusuf xaaji aadan xildhibaanad katirsan hadda golaha shacabka.
Fowziyo waxay diiradda saartay sidii ay u wanaajin laheyd xiriirkii ay soomaaliya caalamka la laheyd, waxay dalka ku soo dhaweysay Saraakiil sare oo ay kamid ahaayeen wasiiradda arimaha dibadda ee dalalka tunka weyn sida Mareykanka, John Kerry, UK William Hegue, Turkiga iyo wadammo kale oo soomaaliya saxiib la ah, arintaas oo sababtay in Safiiro uu kamid ahaa safiirkii Mareykanka u qaabilsanaa Soomaaliya oo fadhigiisu ahaa Nairobi In Muqdisho loo wareejiyo kadib markii dowladda mareykanka ay ku qanacday hanaanka shaqo ee dowladda soomaaliya, taa badalkeeda waxaa rubac qarni kabadan dib loo furay safaaradii ay soomaaliya ku laheyd Washington DC, safaaradaas oo loo magacaabay Raisal Wasaarihii hore ee soomalaiya Cumar cabdirashiid sharmaake, oo la aaminsana inuu soo nooleyn karo xiriirkii ka dhaxeeyey Muqdisho iyo DC.
Laguma simin ineey shaqadeeda siiwadatee khilaaf siyaasi ah oo yimid ayaa galaaftay dhamaan golihii fulinta oo ay ka tirsaneyd marwo fowziyo oo sanad iyo barka ay xilkaas haysay soo hoyisay guulo la taaban karo oo dhinaca xiriirka dibadda ah loo qaaday.
Ma joogsan shaqadii ay fowziya wadaye shakhsiyaad kale oo waaya arag oo uu kamid yahay wasiirkeena maaliyadda ee hadda xiligaasne ahaa wasiirka arimaha dibadda Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa shaqadii halkeeda ka siiwaday wallow khilaafyada siyaasiga ah oo hor istaagayay shaqooyinka ay masuuliyiinta wadeen ay markasta imanayeen hadane wax lagu faani karo ayaa horay loo qaaday.
Isbadalkii dalka kadhacay ee hogaanka dalka loogu doortay madaxweynaha hadda xilka haya ee Maxamed Cabdulaahi farmaajo ayaa cidwalba ay ku hanweyneyd ineey dhameystiraan shaqooyinkii qabyada ahaa ee ay ka tagtay dowladii hore, balse sanad iyo wax lajira oo hadda la joogo wali ma muuqato wax lataaban karo oo dhinaca diblomaasiyadda horay looga sii qaaday, taas badalkeedane dhaliilo maangal ah ayaa loo jeedinayaa masuuliyiinta hadda talada dalka haysa.
Madaxweyne Farmaajo wuxuu xilka safirnimo ka qaaday 12 danjire oo soomaaliya u matalayay dowlado kala duwan oo saxiib dhaw, mid fog iyo mid caadi ahba leh, in laga qaado xilal maba xumee wali waxaa banaan boosaskii masuuliyiintaas laga qaaday oo sanad kabadan aan cidne lagu badalin.
Waa maxay Safaarad?
Safaaradu waa unug sharci oo ruqsad u haysta in wadanka markaas ay wakiilka katahay ku matasho dowladda ay ku dhex taal ama wadanka ay ka dhisantahay, waa hay’ad qeyb ka ah laanta fulinta gaar ahaanne wasaaradda arimaha dibadda, sikale aan u dhigee safaaraddu waa dowlad yar oo matasha shucuubta dalka ay mataleysa ka soo jeedda ee wadankaas ku nool iyo dowladda wakiiltayba.
Waa kuma Safiir/Danjire?
Waa Masuulka mansabkaas lagu magacaabo shaqadiisune waa in dowladda uu wakiilka kayahay siyasadeeda ku matali karo fagaaraha siyaasadeed ee dalka uu wakiilka uga yahay, waxaa saran waajibaad dastuuri ah oo uusan dhaafi Karin, waa in uu yahay muwaadin caafimaad qaba, laguna kalsoonaan karo wadaniyadiisa, khibaradda aqooneed ee shaqadaas loo igmadayne uu leeyahay kana soo bixi kara.
Ayaa noqon kara danjire sideese lagu soo xulaa shakhsiga shaqadaas loo igmanayo?,
Sida aan ka soo xigtay Diblomaasiyiin dhowr ah, dowladii dhexe ee dalka waxay danjire u magaacaabi jirtay shakhsi ay hubto, aqoontiisa, kartidiisa iyo wadaniyadiisa, waxaa safiirka lagu xulan jiray laba siyaabood waa mid e waxaa laga soo dhex xuli jiray wasaaradda arimaha dibadda ama safaarad gaar ah oo markaas uu ka tirsanyahay shakhsiga la magacaabayo, waxaana lagu xulan jiray waaya aragnimada uu u leeyahay shaqada loo magacabayo ama shaqo ka horeysay oo uu qaranka ugu soo shaqeeyey sida Qunsul IWM.
Waa midda labaad e waxaa jira wax layiraahdo “ Political Appointee” oo ah shaqo qofka markaas loogu magacaabayo si la rumeysanyahay in uu ka soo bixi karo ayadoo shaqadaas iyo waaxaheeda midna uusan ka soo shaqeyn, waxaa noqon kara qofkaas Rai’sal Wasaare , Wasiir, Xildhibaan, Agaasime Guud iyo Lataliye sare, waana fasiraadda labaad ee ay waaya soojoogyo badan ila wadaageen in danjirayaasheenii hore lagu xuli jiray, nasiib darro maanta ma jiraan dhamaan shuruudahaas, oo waxaad arki kartaa nin hogaamiye kooxeed ahaa ama aan xil dowladeed horay usoo qaban, wasaaradda arimaha dibadda iyo diblomaasiyaddane aan shaqo ku laheyn oo danjire ayaa loo magacaabay aad ka war heleyso, dhab ahaantii manta ayeyba jiraan rag danjirayaal noogu magacaaban shaqada ay hayaane aan aqoon u laheyn.
Talo soojeedin.
Dowladda uu hogaamiye Madaxweyne Farmaajo waxaa muuqata in dhaliilo farabadan ay ka muuqdaan wasaaradeeda arimaha dibadda oo mowduucani uu khuseeyo, bal qiyaas safiir dal dhan matalaya markii lagu amray inuu soo xaroodo oo xilkii in laga xayuubiyayne lagu wargaliyay hadane uusan diyaarsaneyn shakhsigii booskiisa lagu badalay, qiyaas dad dhiban oo meelkastaa qaxooti ku ah in safiir matalaa uusan jirin dhibaatada ay leedahay,iyo shucuubtaas dhibanayaasha ah ee aan haysan wax xuquuqdooda u dooda hadane soo eegaya dowladoodii, bal adba!!!.
Waan bogaadinayaa shaqooyinka adag ee ay madaxdu u galeen soo deynta dadkeenii ku dayacnaa daafaha dunida ee qaar Magafe laga soo furtay kuwane xabsiyo ay si sharci darro ugu xirnaayeen laga soo daayay, lakiin Madaxada dalku wa ineey xogga saaraan sidii ay usoo nooleyn lahaayeen xiriirkii bilowga ahaa ee ay katagtay dowladii iyaga kahoreysay,ha ogaadaan madaxda dalka in dhibanayaal badan oo u dhiban matalaad dowladeed ay jiraan.
Gunaanadkii waa muhiim in si degdeg ah loo buuxiyo xilalka safaradeed ee banaan ee dhowr iyo tobanka ah iyo in danjirayaal lagu xushay labada sifo oo dowladii kacaanka ay wax ku xuli jirtay lagu soo xulo shakhsiyaadka xilalkaas buuxin doona, Mudane Madaxweyne ogow hadii aad dirsato cid aan cadkaaga dhicin Karin, matali Karin shucubta aad madaxweynaha utahay ee kunool dalkaas danjiraha aad u magacaabi doonto in ay noqon doonto arin adiga kugu soo laabata, in meeshu banaantahayne ma fiicna in dad aan dadka matali Karin ama waaya arganimo iyo aqoon hogaamineed aan laheyn in la wakiisho iyana ma wanaagsana ee mudane maskax caafimaad qabto in lagu xulo danjirayaasha ayaa talo jeedinteydu tahay, waxkastaane waxay ku hagaagi karaan in arinta soo xulista safiirada iyo qiimeyntooda aad usaarto guddi khubaro ah oo dowladii dhexe lasoo shaqeeyey si ay uyaraato waa soo shaqeeyey aan jirin in taariikh nolaleedka lagu buuxsado, dad la hubanne ay u noqdaan shakhsiyaadka xilalkaas culus loo igman doono.

wixii aan khalday waa nafteyda iyo sheydaan wixii aan saxayne waa ku aadinta eebbahey..
W/Q: Shaafici Cabdinuur Magan.
Mshaafici121@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.