Weli mawadiniinta Soomaaliyeed waxaa ku Jira Saluug Xoogleh sida dawladu u wajahayso DPWorld iyo Dawlada Emaaraadka W/Q Jimcaale

jim

Waxaan la wada soconaa heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee ka dhacay Dabai iyo dareenkii shacbiga Soomaaliyeed oo Golaha shaciga iyo aqalka sare ka jawaabeen mudo saddex maalmood gudohood ahayd,waxayna ahayd tilaabo aad loo soo dhaweeeyey,sidoo kale waxaa ka horeeyey heshiiska saldhiga milleteri ee berbera ee dhex maray Maamulka Soomaaliland iyo Dawlada Emaaraadka si toos ah.

Tilaabadii xigtay waxay ahayd in dawlada Emaaraadku macsuuntay Muuse Biixi Cabdi madaxweynaha maamulka Soomaaliland,waxaana ummadda Soomaaliyeed iyo caalamkuma ogyihiin in masuuliyiinta Dawlada Emaaraadku mowqifkeeda caddeysay in Soomaalilaand ay tahay dawlada madaxbanaan oo ay heshiisyo la gali karaan ayna siiwadayaan heshiisyada ay la galeen,kuwwas oo iska cad in ay yihiin heshiisyada Dekeda iyo saldhiga milleteri,arintaas oo jawaab u ahayd go,aanadii Golaha shacbiga iyo kan Aqalka sare.

Waxaan la soconaa in go,aanadaas labada Gole isku raaceen uu horyaalo madaxweynaha Soomaaliya,Muddane Maxamed Cabdullaahi Maxamed lana sugaayo in uu qalinka ku duugo oo saxiixo,intaas ka dib maanta oo taariikhdu tahay 27/03/18,xafiiska wasaradda arimaha dibada waxaa hadal ku dhexmaray wasiiru dawlaha wasaarada iyo safiirka Dawlada Emaaradka(oral discation).

Isku soo wada duub waxa lays weydiinayaa laba arimood, waxa golaha fulinta iyo madaxwenahu uga warwareegayaan oo arintaan ummada Soomaaliyeed ka sugeysay ugana aadaneyd in ay ku tilaabsadaan go,aanda golayaasha ka bacdi oo ahayd sidatan;-

-Maxaa loogu dhiibi waayey Safiirka Emaaraadka Carabta qoraal cad oo muujinaaya ficilada heshisyada xadgubka ah ay galeen ,taas oo noqon lahaa dukumeenti raadraac noqoda,jawaabta laga sugaana ahaan lahayd qoraal cad oo ay ka soo celiyaan wixii dawlada iyo shacbiga Soomalkyeed ka tabanayaan?
-Maxaa madaxwenahu u saxiixi la,yahay go,aanka golayaasha si uu sharci u noqdo,si wixii qoraal ah oo Dawlada Emaaraadka loo qorayo ama ururada caalamiga ah iyo kuwa gobaleedba tixraac looga dhigto?

Isku soo wada duub qadhiyadaan iyo kuwa la midka ah sida B/Xaawo iyo Aato oo Bay iyo Gedo ku kala yaal,habacsanaan iyo meermeeris baa ka muuqata ,waxaana rajaynayaa in tilaabooyin sax ah oo shacbi ahaan aan ku qanci karno dawladu ka qaado .

Wabilaahi Towfiiq,
Cabdullaahi Jimcaale Faarax.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.