Raysawasaare Khayre ayaa kawar helay in Cadowga Soomaliyeed ay isticmaalaan warbaahinta qaranka Soomaliya

Raysa Wasaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali khayre oo anba qaadaya fulinta qorshaha isla xisaabtanka ee dowladda ayaa shalay kormeer shaqo waxa uu ku tagay Wasaraadda Warfaafinta si uu ugu kuur galo Warar sheegaya in Warbaahinta qaranka isticmaalaan Cadowga Soomaliya.

Raysa wasaare Khayre ayaa Booqday qaybaha kale duwan ee Wasaaradda sida TVga iyo Radiyha Muqdisho waxuuna Madaxda warbaahinta ka dhageystay kala duwan oo kamid yihiin sida warbaahinta qaranka u shaqeyso.

Raysa Wasaare Khayre ayaa waxuu waydiiyey wasiir kuxigeenka wasaaradda Warfaafinta, Agaasimaha guud iyo Agaasimayaasha Waaxyaha ee Wasaarada waxa kalifay in Cadowga Soomaliyeed isticmaalaan Idaacadaha Iyo Tvga qaranka ayakoo adeegsanaya Idaacada Voice of America “VOA” oo dhexmarta warbaahinta qaran waxuuna usheegay in sida ugu dhaqasaha badan loo joojiyo.

Raysawasaare Khayre waxaa kaloo u sheegay Madaxda Warbaahinta qaranka in wararka Dowlada si joogta ah looga helo baraha Bulshada sida YouTube si ummada Soomaliyeed waxii dhaafay halkaas uga helaan.

Raysawasaare Khayre ayaa ugu dambayntii u sheegay Madaxda Iyo shaqaalaha Dowlada in laga Joojiyo Xayeysiinta warbaahinta qaran sababtoo ah Baahi aan u qabno majirto.

Kormeerkaan Raysawasaare Khayre ku tagay warbaahinta qaranka ayaa waxaa soo dhaweeyey Shacabka Soomaliyeed oo mudooyinkii dambe layaabaana Cadowga Soomaliyeed oo warkoodu laga dhageysanayey Warbaahinta qaranka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.