Q.M oo waqtiga u kordhisay xafiiskeeda Muqdisho

Golaha amaanka ee QM ayaa Talaadadii shalay si aan kala har lahayn u meel mariyay Qaraar waqtiga loogu kordhiyaya Xafiiska QM ee Soomaaliya oo la gaarsiiyay illaa 31-ka March 2019.

Golaha amaanka ee QM ayaa hoosta ka xariiqay Muhiimadda taaageeradda Howlgalka UNSOM uu siiyo Dowladda, gaaar ahaan taageridda Dadaaladda Nabadda ee Dowlada Faderalka ah ee Soomaaliya iyo Nidaamka Dib u Hishiisiinta, sida lagu sheegay Qaraarka oo ay soo jeedintiisa iska lahayd Boqortooyadda UK.

QM waxay sidoo kale ku celisay Xushmadda ay u heeyso Madaxbanaanidda, dhuleed iyo Siyaasadeed iyo midnimadda Soomaaliya, Qaraarka QM ayaa sidoo kale ku baaqay in laga hortago wax kasta oo Xasarad gobolka ka Abuuri kara iyo muranka  hoos u dhaca ku keeni kara Soomaaliya.

Xafiiska UMSOM waxaa la aasaasay 3dii Jun 2013 kii, waxaana lagu asaasay Qaraar labmarkiisu ahaa 2,102, ujeedaduna waxay ahayd in uu Caawiyo Dowladda Faderalka ah ee Soomaaliya.

Waqtiga Xafiiska UNSOM wuxuu ku ekaa 31 Bishaan, waxaase uu sii shaqayn doonaa illa iyo 31 ka March 2019, sida uu ogolaaanayo Qaraarka Golaha amaanka ee QM oo tirsigiisu yahay 2408.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.