D/Soomaaliya oo dhaliishay qaabka xafiiska Q.M ee Muqdisho oo u gudbiyo Warbixinada ku saabsan Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya QM Abuukar Daahir Cusmaan ayaa Golaha Amaanka QM ka horsheegay in Xafiiska Soomaaliya ee QM uu san daacad  kahayn Shaqaddda uu soomaaliya ka hayo.

Qudbad uu ka hor jeediyay Golaha amaanka ee QM ayuu Abuukar ku sheegay in Soomaaliya ay ka walaacsantahay Warbixino Qaladan oo uu sheegay in Saraakisa Sare ee UNSOM ay Soomaaliya ka gudbiyaan Marka la joogo fagaaare yaasha Caalamiga ah ee looga Doodo arrimaha Siyaasada.

Waxaa nooga sii daray ayuu yiri saameeynta Xun ee Warbixinadaasi ay ka Abuuraaan Soomaliya iyo Golaha Amaanka ee QM dhexdiisa.

“Waxaan ka walaaacsanahay Saraaakiisha Sare ee UNSOM  oo warbixinno qaldan sheega inta ay Socdaan Shiraraka Arrimaha Siyaasadda ee Soomaaliya ku saabsan” ayuu Danjire Abuukar Daahir Cusmaan ku sheegay Qudbaddii uu ka jeediyay Golaha Amaanka ee QM.

“waxaan ku doodeeynaa in Hugaanka UNSOM uu daacad ka ahaado fulinta waajibaaadkiisa sida muda xileedka ku xusan, ayna jojiyaan Arrimaha Siyaasadeed ee Xamaasadda leh, kuwaas oo dhaawici kara Dadaaladeena Hanaanka siyaasadeed ee Dowladdu Hugaamineeyso  iyo Xasiloonidda Siyaasadeed ee Soomaaliya” ayuu Hadalkiisa ku sii daray Danjire Abuukar.

Hadalka  Safiirka Soomaaliya ee QM ayaa Mugdi galinaya Kalsoonidda Masuuliyiinta hor kacaya Siyaasadda Soomaaliya ay ku qabaan Xafiiska UNSOM oo Shaqaynayay tan iyo 2013 kii.

Wuxuu Hadalkaan kusoo aadayaa iyadoo Xubana Golaha Amaanka ee QM ay si wada jir ah u ogaalaadeen Qaraar ku saabsanaa kordhinta Muddo Xileed ka Xafiiska QM ee Soomaaaliya UNSOM.

Xafiiskaan oo QM u qaabilsan Taageerridda Dowladda Soomaaliya iyo lasocoshadda marxaladda Soomaaliya ayaa muddo Sanad ah loogu daray waqtigii shaqadiisa oo ku ekaa 31 ka Bishaan waxaan muddo xileedka la gaarsiiyay 31 March 2019.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.