Ciidanka Koofi gaduuda oo dib u furay wadada Sayidka

Ciidamada Koofi Gaduuda ee illaalada ka haya Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa saaka dib u fuary isu socodka gaadiidka rayidka wadada Sayidka, kadib markii qaraxii Axadii ka dhacay halkaasi wixii ka dambeeyay ay aheyd mid xiran.

Ciidamada Koofi Gaduuda, ayaa kaliya wadada u ogolaanaayay gaadiidka dowladda, waliba kuwooda aqoonsiyada wata, waxayna celinayeen gaadiidka rayidka ay isticmaalaan iyo Mootooyinka Bajaajta.

Balse saaka ayeey ciidamada wadada dib u fureen, kadib markii la dhameeyay dhismo laga waday Koontaroolka ciidanka ay joogaan ee Isgoyska Sayidka.

Marka horeba gaadiidka shacabka ayaanan loo ogoleyn inay maraan wadada dheer ee Madaxtooyadda horumarta, balse gaadiidka shacabka ayaa isticmaalaayay inay ka dagaan wadada aada dhanka Bakaaraha ee Sayidka ka baxda.

Koontaroolka Sayidka ayaa waxaa loo sameeyay biraha waa weyn ee gaadiidka lagu celiyo, halkaasi oo loo arkay qorshe amni suggid ah.

Ciidamada Koofi gaduuda ayaa hadda waxaa ka muuqata feejignaan xooggan oo ku aadan inay ka gaashaanto weeraro kale oo qaraxyo ah oo dhaca

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.