Madaxweyne Farmaajo oo Maanta Wasaarada gaashaandhiga kula kulmaya Saraakiil dhalin yaro ah

Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya) ayaa xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga wuxuu kula kulmayaa saraakiishii Dhalinyarada aheyd ee dhawaan loo dhiibay hoggaanada qaar ee Ciidanka.

Kulankan  Madaxweynaha soomaaliya  uu la qaadan doono saraakiishan Dhalinyarada ah ayaa waxaa goobjoog ka noqon doona Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Gen. Gorod iyo Saraakiisha Millitariga.

Saraakiil ku sugan Wasaarada gaanshandhiga Soomaaliya ayaa Sheegay in kulankooda ay ugu wadahadli doonaan Arimaha ku saabsab sidii loo bilaabi lahaa dagaalka ka dhanka ah Dagaalamayaasha Al-Shabaab,iyo Sidii looga hortagi lahaa Weerarada iyo Qaraxyada Shabaab ay ka geystaan Dalka.

13 Sarkaal oo ka tirsan Millitariga Soomaaliya  ayaa bilowga bishan waxaa isbadal ku sameeyay Madaxweynaha Soomaaliya,saraakiishan oo ahaa kuwa oo gaboobay, waxaana lagu bedelay dhalinyaro aqoon leh oo dhawaan ku biirtay Ciidanka Xoogga dalka, kuwaasi oo tababar ku soo qaatay dalka Dibaddiisa.

Dhalin yarada ka tirsan Militiriga Soomaaliya ayaa dhawaan waxaa ay madaxweynayha soomaaliya weydiiyeen baahiyaha ay qabaan iyo wax walba oo ay u baahan yihiin, si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Dagaalamayaasha hubeysan ee Al-Shabaab.

Dowlada uu hogaamiye Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada dadaalo ku aadan sidii Shabaabka ka dagaalama Soomaaliya guud ahaan looga saari lahaa,iyadoona dhawaan la filayo in Saraakiishan Dhalin yarada ah ay bilaabaan sidii la isugu furi lahaa degmooyinka ay go’doomiyeen Dagaalamayasha Al-Shabaab.

Inkastoo ay xusid mudantahay in qaar ka mid ah gobalada dalka Soomaaliya haatan ay ka soconayaan Howlgalo qorsheysan oo ay sameynayeen Ciidamada Xoogga,kaasi oo ujeedkiisuu yahay sidii shabaab ay ugu saari lahaayeen Degmooyinka ay Maamulaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.