Al Shabaab oo ka hadlay Darbiga BeledxaawoMogadishu.

Al Shabaab ayaa ka hadlay qorshaha dowladda Kenya ay darbiga kaga dhiseyso xuduuda u dhaxeyso labada dowladdood ee Kenya iyo Soomaaliya.

Afhayeenka Al Shabaab Sheikh Cali Maxamuud Raage Cali Dheere oo la hadlay idaacadda Andulus, ayaa sheegay in marnaba aysan aysan aqbali doonin dhismaha darbigaasi ay Kenya ka dhiseyso Degmada Beledxaawo.

Afhayeenka Al SHabaab ayaa sheegay in Kenya ay marar badan kusoo duushay dhulka Soomaaliyeed, islamarkaana ay hadda dooneyso inay dhul balaarsi kale sameeyaan.

Maamulka Jubbaland ayuu ku eedeeyay in raali ay ka yihiin in Kenya ay xad gudub ku soo sameyso dhulka Soomaaliyeed, balse wuxuu sheegay in aysan u suuragali doonin in Kenya ay heysato Dhul Soomaaliyeed.

Wuxuu ku amaanay shacabka ku dhaqan degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, sida ay uga soo horjeesteen dhibaatada Kenya ka waddo dalka Soomaaliya gaar ahaan degmada beledxaawo.

“Dowladda Kenya ma ahan markii ugu horeysay oo ay qabsato dhul Soomaaliyeed oo dad muslimiin ahna ay gumeysato, waxay ku soo duushay qeybo badan oo ka mid ah dhul Soomaaliyeed, waxaan u aragnaa dulmi iyo duulaan, marna ma aqbaleyno in Kenya ay ku soo xad gudubto dhul Soomaaliyeed, Mujaahidiintu waxay diyaar u yihiin in ay garab iyo gaashaan u noqdaan shacabka Beled Xaawo.” Ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Sidoo kale Afhayeenka Ururka Al-shabaab ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay ka qeyb qaataan ololaha ay wadaan shacabka Beled Xaawo oo ay isaga difaacayaan Kenya, isaga oo intaa raaciyay in arrintan aysan u dulqaadan doonin oo ay jawaab ka bixin doonaan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.