Madaxwaynayaasha Kenya iyo Soomaliya oo isku raacay Xududa Soomaliya inay kawada Xaajoodaan Maamulada Jubbaland iyo Mandera

deg

Warsaxaafadeed looga hadlayey arinta degmada Balad Xaawo oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Islamarkaana nuqul kamid ah uu soo gaaray Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa u qornaa sidaan.
Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyadoo ilaalinaysa danta ummadda Soomaaliyeed, dhowreysana deris wanaaga, isu furnaanshaha ganacsiga, isu socodka dadka walaalaha ah ee Beledxaawo iyo Mandheera degan , waxay dadweynaha Soomaaliyeed guud ahaan, dadka degan Beled Xaawo gaar ahaan, la socodsiinaysaa arrimaha soo socda:
1- In Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” seddex xilli oo kala duwan kala hadlay Madaxweynaha Kenya H.E. Mr. Uhuru Kenyatta arrinta ku saabsan derbiga laga dhisaayo inta u dhexeysa Beled Xaawo iyo Mandheera.
Wadahadalka labada Madaxweyne ayaa ku kala beegnaa xilliyada hoose ku xusan:
March 22, 2017, Booqashadii rasmiga ahayd ee Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tegay magaalada Nairobi, kulana kulmay dhiggiisa Kenya.
March 22, 2018, labada Madaxweyne waxa ay ku wada hadleen khadka isgaarsiinta.
March 24, 2018, labada Madaxweyne waxa ay markale ku wada hadleen khadka isgaarsiinta.
2- Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya waxa ay isku afgarteen in derbiga dhisiddiisa la joojiyo.
3- Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya waxa ay isku afgarteen in la sameeyo guddi wadaag ah oo labada dhinac ah ayna kala hoggaamin doonaan guddoomiyeyaasha labada gobol ee Soomaaliya iyo Kenya.
Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay u taagan tahay ilaalinta danta ummadda Soomaaliyeed iyo deris wanaag ku dhisan xushmad dhaafsi.

Xigasho wrbaahinta Qaranka Sonna
warsafdeed

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.