Daawo:Wafti Ka socday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa si wayn loogu soo dhaweeyay maanta magaalada Caabudwaaq

Wafdigaan Ka socday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa si wayn loogu soo dhaweeyay maanta, magaalada Caabudwaaq waxaana hogaaminayay Gudoomiye kuxigeenka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Aadan Guuleed Shabeel, oo ay wehliyaan qaybaha kala duwan ee laamaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan Wakiilo kala matalaya Kuliyadaha Jaamacadda sida Kuliyada #Waxbarashada_Caafimaadka_Dhaqaalaha_Xanaanada_xoolaha, Iyo Diiwaanhayaha guud ee jaamacadd, injineero iyo Dhaqaatiir.

Waxaana Garoonka diyaaradaha Caabudwaaq kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka socotay Maamulka Degmada, Aqoonyahano, Ardeyda Jaamacadda Umadda faraceeda Galmudug iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Wafdigaan ka socda Jaamacada ummada Soomaliyeed ayaa waxay uga mahadceliyeen sida wanagsan ee loogu soo dhaweeyey Magalada Caabudwaaq waxayna sheegeen inay kamid ahaayeen wafdi kala duwan oo ugu horeeyo Madaxwaynaha soomaliya Iyo gudoomiye ku xigeenka jaamacada Ummada oo imaanayey Jamacada ummada qayteeda Faraceeda Caabudwaaq waxaadna nasiib u yeeleeteen inaad noqotaan xaruntii ugu horeysay ee Jaamacada ummada ee laga hrgaliyo meel ka baxsan Magaalada muqdisho.

warbixintii  wariye Cabdikariim bulxan


cw

cw

cw

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.