Guddoomiyaha Aqalka Sare oo baaq u diray Warbaahinta.

xaashi

Gudoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ugu baaqay warbaahinta iyo bulshadda Soomaaliyeed in  si degan loo wajaho xaaladda cakiran ee golaha Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa uu warbaahinta ugu baaqay in ay ka fekaraan sidii si nabadgaliyo  loogu dhameyn lahaa Khilaafka.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in haddii warbaahinta Soomaaliyeed ay buunbuuniyaan Khilaafka uu sameyn weyn ku yeelan doono dalka oo dhan.

Waxaa uu xusay in jirto xaalad adag oo loo baahan yahay in loo wajaho si degan oo ay ku dheehan tahay wadaniyad, si loo Afjaro Khilaafka Baarlamaanka iyo Xukuumadda.

Murankan siyaasadeed ayaa sii xogeystay 24kii saacadood ee la soo dhaafay, iyadoo beesha caalamka iyo hey’adaha bulshada rayidkuna ay ku baaqayaan in xiisadda la dejiyo si loo badbaadiyo guuliha ilaa iyo hadda laga gaaray dowladnimada, amaanka Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.