Maamulka Mandhera oo shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday in ay kala shaqeeyaan amniga

Wargeyska The Star ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa daabacay in Maamulka Magaalada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya ay wada hadal maalinle ah la yeesheen Bulshada Soomaaliyeed, waxayna ku booriyeen iney wadaagaan macluumaadka Amniga.

Guddoomiyaha magaalada Mandhera Kutswa Olaka oo hogaaminayay wada hadalka ayaa sheegay in la joogo waqtigii si dhab ah looga wada shaqeyn lahaa Amniga loona wadaagi lahaa macluumaadka, wuxuuna ka dalbaday Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaaladaasi iney laamaha ammaanka u soo gudbiyeen haddii ay la kulmaan Macluumaad amniga wax u dhimaya.

Mr. Olaka ayaa sheegay in wali qatar amni ay ka dareemayaan Xuduuda ay la wadaagaan Soomaaliya oo ah in xoogaga ururka Al-Shabaab ay ka soo gudbaan.

Wuxuuna kalsooni ka muujiyay in haddii mar wada shaqeyn buuxda ay dhexmarto Shacabka Soomaaliyeed iyo Laamaha ammaanka Kenya ay ka guuleysan Al-Shabaab ee mararka qaar qalalaasaha ka geysata gudaha Kenya.

Ciidamada Ammaanka Kenya ayaa adkeeyay ammaanka degaanada Gobolka Waqooyi Bari Kenya si looga hortago weeraro ka yimaada ururka Al-Shabaab

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.