Puntland oo ka jawaabtay Go’aanka Golaha shacabka ay dalka uga mamnuuceen shirkadda DPWorld.

Iyadoo Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ay maalinti isniinta ee aynu soo dhaafnay meel mariyeen xeer ay dalka uga mamnuuceen shirkadda DPWorld ee imaaraadka oo ka howlgasha dekado ku yaala dalka aya waxaa ka jawaabay maamulka Puntland.

Wasiirka dekadaha maamulka Puntland Siciid Maxamed Raage oo kamid ah Wafdi Ka socday Puntland oo shalay Galinkii dambe U Dhoofay Imaaraadka Ayaa Sheegay inuu Xeerkaasi saameynayo oo kali ah Soomaaliland, oo heshiiska kula jirta shirkadda DPWorld balse Puntland ay heshiiska dekadda Boosaaso kula jirto shirkadda P&O oo sidoo kale Imaaraadka laga leeyahay.

Siciid Maxamed Raage oo ku sugan Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in Maamulka Puntland ay la socdaan dhaq-dhaqaaqyada Shirkadda Maamusha Dekeda Boosaaso ee P&O.

Hadalka wasiirka dekadaha maamulka Puntland ayaa imaanaya xilli golaha shacabka ay meel mariyeen xeer dalka looga saarayo shirkadda DPWorld iyadoo dadka intoobada sheegaan in P&O ay tahay ama kamid tahay DPWorld.

sidoo kale Golaha aqalka sare ayaa maanta ka shiraya kana doodaya xeerka Gudaha Soomaaliya looga mamnuucay shirkadda DPWorld

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.