Ciidamada Jubbaland oo weeraray Saldhig Shabaab ay ku sugnaayeen

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Gobolka Jubbada hoose, ciidamada Jubbaland ayaa weerar qorsheysan waxa ay ku qaadeen degaanka Wirkooy ee duleedka Magaalada Kismaayo.

Wirkooy ayaa waxaa ku sugnaa ciidamo ka tirsan Ururka Al Shabaab, ciidanka weerarkan qaaday ayaa ka ambabaxay degaanka Buulo gaduud ee Gobolka Jubbada hoose oo qiyaastii 30-KM u jirta deegaanka Wirkoy.

Dagaal culus oo halkaasi ka dhacay ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira, sida ay ku soo waramayaan Saraakiil ka tirsan Maamulka Jubbaland oo ku sugan deegaanka Buulo gaduud.

Inta la xaqiijiyay Shan ruux oo dhinacyadii dagaalamay ah ayaa halkaasi ku geeriyooday, sidoo kale waxaa jira khasaare dhaawacyo ah oo dhinacyada soo kala gaaray.

Weerarka oo ahaa mid kadis ah ciidamada Jubbaland waxa ay la eegteen Saldhiga ciidamada Shabaab ee degaanka Wirkoy, inkastoo Shabaab ay iska caabiyeen dagaalka kaga yimid dhanka Al Shabaab.

Ciidamada Jubbaland ayaa hadda waxa ay ku sugan yihiin duleedka degaanka Wirkoy ee Gobolka Jubbada hoose, iyadoo Al Shabaab lagu soo waramaayo inay isaga baxeen gudaha degaankaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.