AKHRISO: Xeerka Shirkadda DP World looga mamnuucaayo Soomaaliya

barlaman
Xildhibaanada Baarlamaanka  Soomaaliya oo kulan uga socdo xaruntooda  ayaa ansixiyay xeer dhowraya  gobanimada iyo midnimada geyiga Soomaaliya.

Xeerkaan oo dhowr qodob ka kooban ayaa lagu eedeeyay  Shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta inay si bareer ah ugu xadgudubtay siyaasadda, madax banaanida iyo Midnimada Soomaaliya, iyadoo gebi ahaanba dalka laga mamnuucayo DP World.

Inkastoo uu wali socdo kulanka Baarlamaanka ayaa hadana xeerka loo cuskanaayo Shirkadda DP World uu yahay midka ilaalinta Gobonimada iyo Madaxbaanida Soomaaliya.

Xeerkaan ayaa waxaa ku xusan in xukuumadda Soomaaliya laga doonaayo in ay si deg deg ah u horkeento Baarlamaanka howlgallada laga qaadayo Shirkadda DP World

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.