Ciidamada Dowlada Oo Alshabaab Kala Wareegay Deegaanka Gamboole Ee Gobolka Sh/Dhexe.

dagaal

Aroortii hore ee Sabtidii maanta ayaa Ciidamda Xooga Dalka Gaar ahaan kuwa loo yaqaano Danab waxa ay Howlgal Qorsheesan kula wareegeyn Deegaanka Gamboole oo dhanka Galbeed kaga toosan Magaalada Jowhar ee Caasimada Hirshabeelle.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamada ay howlgaalkaa qaadeyn, kadib markii ay heleen Xog ku aadan in AlShabaab ay deegaanadaa  isugu yeereyn Ganacsatada Jowhar,Howlgalkaana lagu fashiliyay kulankii dhexmari lahaa Ganacsatada iyo Alshabaab.

Dadka deegaanka ayaa lagu soo waramayaa in ay soo foodsaartay cabsi la xiriirta in Shabaabku ay weerar kusoo qaadaan Deegaanka laga qabsaday,waxaana adag in xog rasmi ah laga helo khasaaraha ka dhashay Dagaalka dhexmaray labada dhinac.

Ciidamada Dowlada ee gaaray Deegaanka Gamboole ayaana fariimo cusub ka sameyntay Duleedka iyo Bartamaha Deegaankaasi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.