Xumaanshaaha xariirka Imaaraatka iyo Soomaaliya maxuuu salka ku hayaa? W/Q Cali Somali

Xumaanshaaha xariirka Imaaraatka iyo Soomaaliya maxuuu salka ku hayaa, sideese Soomaaliya uga bixi kartaa loolanka Dowladaha isku hayo Gobalka.?
……………………………………………………………………….
Soomaaliya iyo Imaaraatka waxay leeyihiin xariir soo jireen ah oo taariikhi ah, waxaa la sheegaa in ciidama soomaali ah oo aad utira badan ey ka qayb galeen Dagaal udhaxeeyey Qoyska reer qaasimi ee dago Imaaraatka iyo iiraan xilli fog, Waxaase uu xariirka labada Dal uu xoogeestay xillgii Todobaatameeyadii, markaa Imaaraatka waxaa ka talinaayey Sheikh Said binu Suldaan Aallu-nahyaan, halka Soomaaliyana uu hogaaminaayey S.G.Maxamad Siyaad Barre.
Dadka yaqaano sheikh Saaid waxay ku tiriyaan Boqorkii ugu wanaagsanaa ee soo maro imaaraatka, waxuuna xariir fiican la lahaa Hoggaamiyihii kacaanka jaalle Maxamad Siyaad Barre, waxaana dhihi karnaa waa marxaladii uu ugu fiicnaa xariirka labada Dal.
waxii ka danbeeyey 1990-kii Imaaraatka waxay qayb ka ahaayeen ciidamadii loogu magac daray ” Rajo soo celinta Soomaali”ee uu maraykan hogaaminaayey. Imaaraatka wax saameen muuqata ah kuma yeelan Soomaaliya marxladii bur-burka marka laga reebo iney taageero afeed umuujiyeen Heshiiskii Masar & Djabuuti ee Soomaalida loo qabtay iyo Kaalmo bini’aadannimo.
Imaaraatka ayaa bilaabay dar-dar xoogan waxii ka danbeeyey soo galitankii Turkiga saaxada Siyaasadda Soomaaliya, waxayna qayb ka noqdeen tarnka loogu jiro Siyaasadda Gobalka Geeska Africa, hasa yeeshii Farqiga udhaxeeyey ayada iyo Turkiga ayaa ah in Turkiga Isku dayey in uu Quluubta shacabka Soo jiitto asaga oo sameeyey xarumo caafimaad, kaalmo wax-barasho, maalgashiyo yar yar, halka Imaaraatkana ey isku dayday in ey quluubta Siyaasiyiinta soo jiidato ayadoo umareesay in ey dhaqaaleeso.
Xumaanshaha xariirka labada Dal “ Soomaaliya & Imaaraatka.”
waxii ka danbeeyey 2013-kii waxaa soo baxay isfahan darro aannan soo shaac bixin, taas oo udhaxeeyey Dowladda Soomaaliya ee uu madaxwayne Xasan sheikh maxamuud ka ahaa hogaamie iyo Dowladda Imaaraatka, marar badan waxay gaari gaartay in la iska dacweeyo ururada caalamiga ah.
Imaaraatka oo kula jirtay Dagaal dublamaasi isbalaarinta Dowladda Turkiga iyo ururka ikhwaanul muslimiinka – ooy ku tuhmeesay in uu sabab u ahaa Kacdoonadii Carabta ee loogu magic daray “ gugga carabta” – ayaa cabsi ka qabtay in ey awood ku yeeshaan Soomaaliya.
Imaaraatka ayaa waxaa la sheegaa in ey codsotay maamullida Dakada iyo garoonka muqdisho inta aanan Turkida lagu wareejin, balse eysan dhicin midaa laguna wareejiyey Turkida sidaa darted waxay go,aansatay in ey la wareegto Dakada Boosaaso iyo barbaro si kasta oo ey umartaba.
Kaddib Khalaafkii khaliijka iyo go,aankii dhex-dhaxaadnnimada ee Soomaaliya, weerarkii guriga Samatar cabdi qaybdiid iyo arrinta babaro waxaa isa soo taraayey hugun siyaasadeed oo soo kala dhex-galay Imaaraatka iyo Soomaaliya.
Go,aanka jaamacada carabta ma yahay mid soo afjaaryo cabashada Soomaaliya.
Markii khilaaf siyaasadeed Dowlado ka dhasho waxaa lagu xaliyaa dhexdooda marka koobaad, waxaana laga rabaa cida cabashada qabto in ey gudbiso cabasho rasmi ah, haddii ey wax ka qaban waydo Dowladda loo gudbiyey waxaa loo gudbiyaa urur ey wada tirsanyihiin sida Jaamacada Carabta midowga Afrika, ururuka Islaamka, Qaramada midoobe, haddii lagu qanci waayo waxaa la aadaa Maxkamad caalami ah oo awood uleh sida xeerka caalamiga ah uu qabo.
hadaba Go,aanka jaamacada carabta ey soo saartay ma aha mid quseeyey cabashadii Soomaaliya ee Imaaraatka laga gudbiyey, mana aheen mid cusub, waa mid mar kasta oo Soomaaliya laga hadlaayo la daabaco, aanan quseesin arrintii gaarka aheed ee Soomaaliya ugudbisay ee waxuu un sheegayaa in aan nahay Dal madax-banaan in la ixtiraamana tahay waajib! .
Si guud jaamacada Carabta waxaa awoodeeda leh Dowladda Sacuudiga iyo Imaaraatka oo bixiyo qarashaatka ku baxo taas ka dhigeeso mid in laga fiirsado tahay mar kasta waxii loo gudbinaayo in kastoo go’aanadeeda awood sharciyeed ey leeihiin. Waxase ka habooneed marka hore in khilaafka Imaarta lala kaashado Dowlad saameen kuleh labada dalba sida Sacuudiga tusaale ahaan.
Side soomaamliya uga bixi kartaa loolanka Dowladaha isku hayo Gobalka?
Soomaaliya wax dan ah uguma jirto in ey Dagaal Siyaasadeed lagasho IMaaraatka iyo Dowlad kasta, waa Dal kasoo baxay Dagaal sukeeyo walina ku jiro dhisida Dowladnnimada una baahan saaxiibo iyo maalgashi shisheeya, lagana rabo inuu isku wado wax yaale is diidan,sidaa darteed waxaa la gudboon arragtidayda in qaab cilmeesan ey uga baxaan loolanka Gobalka loogu jiro, qaabkaas oo ah sidaan soo socoto:
• In dib uqeexid lagu sameeyo Siyaasadda arrimaha dibadda: Dal kasta waxuu leeyahay Siyaasad arrimo dibadeed oo cad lehna ujeedooyin ” Foreign policy objectives” iyo jiheen ” Foreign policy orientations”, markii aad aqriso Siyaasadda Dalka masar jiheenteeda waxaad arkeesaa in ey ku qotonto bariga dhexe “Middle East”, halka Brazil ey ku qotonto latin America, siyaasadda Soomaaliya waxay ku jiheesnaan jirtay midowga suufiyeeti waxii 1977-dii ka horeeyey. Hadaba waxaa loo baahanyahay in la qeexo Danta Soomaaliya iyo in la sameeyo Siyaasad lagu ilaalinayo Ganacsiga soomaaliya ee daafaha adduunka yaallo.
• Dajinta Siyaasad maalgashi: Soomaaliya waxay ubaahantahay maalgashi ajnabi mana jiro Dal maalgashi la,aan soo kabtay inta uu Dagaalka ka dhacay, hadaba waxaaa loo baahanyahay Siyaasad soo jiidata Dal kasta, laguna Qeexo habka maalgashiga tusaale haddii ladhaho Shirkad kasta waxaa loo ogalyahay in ey maalgashato hal Dakad, waxaa imaaneeso in Xamar Turki qaato, Barbaro IMaaraatka, Boosaaso jabaan, Kismaayo chaina imw, taas waxay abuureesaa Tartan maalgashi ooy Soomaaliya ka faa,iido mar kasta “Siyaasadda Faa’iid mar kasta”.
• In gacan saar lala yeesho isbahaysi caalami ah : Soomaaliya waxaa isku hayo Dowlado gobaleed “regional”, ma aha awoodo caalami ah “global” wax badan ey ka faaiideeso, waxayna ubadanyihiin kuwo wakiil ka ah Dowlado kale marka waa in ey dabada lagashaa hal is bahaysi oo saameen leh sida Maraykan iyo reer yurub ama Ruushka iyo iiraan. Mana socon karo siyaasadda loo yaqaan wada raali gali “Politics to satisfy everyone”.
• Adkeenta xariirka Dowladaha Dasriska ah : mar kasta waxaa laga rabaa Soomaaliya in ey xoojiso xariirka Ganacsi & iskaashi ee kala dhaxeeyo Dariska, waana meesha kaliya ee laga soo gali karo, tusaale Imaaraatka waxay siiyeen 19% saami ah Dowladda itoobiya si Itoobiyo ey ucadaadiso Soomaaliya,isla shalay markii warqada Soomaaliya ey jaamacada Carabta ugudbisay kaddib wasiirka arrima dibada Imaaraatka waxuu lasoo saxiixday Itoobiya is fahan Siyaasadeed, taas ooy u isticmaalayaan culeysin Soomaaliya “Political pressure”. Sidaa darteed waa in aan Dariska lagaa soo galin mar kasta.
• Dib u eegis dhamaan heshiisayadii maalgashiga : wax yaalaha layaabka leh waxaa kamid ah in dhamaan heshiisyadii maalgashiga sida heshiisyadii Dowladdii Turkiga lala galay in eysan Baarlamaanka soo marin, si daahfurnaan lehna aan loo meel marin, macquulna eysan aheen in kuwa gaar ah la dhaho hala keeno si loo mariyo sharciga. Hadaba Si muranka loo dhameeyo waa in dib u eegis lagu sameeyo dhamaan heshiisyada caalamiga ah, lana waafajiyo Dastuurka Q.90aad faqradiisa “Q”.
Ugu danbayntii: Soomaaliya waxay ubaahantahay in ey fahanto loolanka Gobalka iyo danteeda, kuna dag dagin jaritaanka xariirka Diblomaasi ey Dowlad la leedahay inta lamaareen karo, kana fakartaa danaha shacabka iyo ganacsigeeda.

Waxaa Qoray
Cali Sheikh aadan yusuf ” Cali Somali”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.