Daawo:Wasiirka Gaadiidka Somaliya oo ka farxisay Shacaka Xukuna dul dhigtay Diyaradaha fowdeeya shacabka Soomaliya

diya4a

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Salaad (Oomaar) ayaa sheegay inaanay aqbaleyn in lagu tunto xaquuqda Rakaabka ka duulaya garoonka, wuxuuna sheegay
Si aan uga jawaabno cabashooyinka ka imaanaya dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala diyaaradaha duulimaadka ka sameeya gudaha dalka iyo dibadiisa una ilaalino xaquuqdooda waxaan soo saarnay amaradan” ayuu yiri Wasiirka.

1 Rakaabka Diyaaradaha waddanka gudihiisa ama dibadiisa aadayo Garoonka waa inay soo galaan saddax saac ka hor inta aanay diyaarada kicin.

2 Rakaabka lama soo galin karo garoonka mudda ka badan saddex saacadood inta aanay diyaarada kicin .

3 Diyaarad rakaabkii sugayay oo garoonka joogo lagama kireyn karo qolo kale, iyada oo laga tagayo rakaabkii diyaarada oo ku sugan gudaha garoonka.
4 Dhammaan diyaaradaha waxaa la faraya inay soo gudbiyaan jadwalkooda duulimaadyada ee billa ah.

Wasiir Oomaar ayaa intaa ku daray in la ganaaxi doono shirkadii ka xadgudubto Go’aanada Wasaarada ee lagu ilaalinay xaquuqda dadweynaha.

Cidii jabisaa amarada aan soo saarnay marka koowaad waxa ay mutaysan doontaa ganaax laba kun oo doolar ah, marka labaad shirkadii jabisaa waxay mutaysan doontaa Ganaax 2 kun oo doolar iyo 7 maalin oo shaqa ka joojin ah, marka sadaxaad cidii jabisaa amarkaana waxaan ku ganaaxi doonaa laba kun oo doolar iyo inaan kala noqono ruqsada shaqo oo ay duulimaad uga sameyn karaan dalka ayuu yiri Wasiirka Gaadiidka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.