Maxaad ka taqaan Silsilada rag isku bahaystay Dulmiga Shacabka Magalada Kismayo.

madoobe

Waxaan idiin soo gudbin doonaa Howlaha ay qabtaan rag lagu suntay magaca Nabad Sugida Jubaland anigoo ka faaloon doona kan ugu sareeyo iyo rag ay isku xiran yihiin abuurana dhibaatooyinka baahsan ee ka Jiro Kismaayo.

Nabad Sugida Jubaland waxa ugu sareeyo Sargaal Magaciisa lagu sheego Qaalid Sh/ Abdulahi waxaa uu ka soo jeedaa Deegaanka Ismamulka Somalida Ethiopia waxana uu ka dhashay jifada Cabdala ee beesha ogaadeen waxaa uu la soo kala shaqeeyey Ururada ONLF New police iyo Ciidamadii Ethiopia ee 2006dii soo galay dalka Somaliya Qaalid sheikh abdulahi wuxuu ku haray Magalada Muqdisho isagoo ku biiray Alshabab madama dhanka miinada uu aad u yaqaanay dhibaatooyin baahsan ayuu ka gaystay Caasimada Dalka ee Muqdisho ugu danbeyntiina alshabab markii laga saaray Muqdisho waxaa uu iska dhiibay Magalada Jigjiga ee Xaruunta Ismamulka Somalida Ethiopia balse intii uu ku sugnaa Jigjigo waxaa uu isku dayey afganbiyo iyo shirqoolo ka dhan ah Dowlad Degaanka Somalida Ethiopia hase ahaate si dirqi ah ayuu uga soo baxsaday ka dib markii uu ogaaday in laga war helay lana doonayo in la qabto.

Qaalid Sheikh Abdulahi Taliyaha Nabadsugida Jubaland waxaa uu carar ku yimid Jubbaland Kismayo isagoo markaasi doonayo gabaad iyo meel uu ku sii noolaado waxaa uu ku biiray Ciidankii Jubaland fahan qaatay bilooyin wuxuu Qaalid ku dhex yeeshay Ciidamada Jubbaland asxaab qaar ka mid ah ay horey isugu yaqaaneen Ismamulka Somalida Ethiopia isagoo ka danbeeyey Dilal dad rayid ah loogu geystay magalada Kismayo qaalid waxaa uu ka mid ahaa Shaqsiyaad habeynkii u dhici jiray guryaha lana bixi jiray dhalinyaro aan waxba galabsan aabayaal Dhaqatiir iyo Ganacsato aan danbi gaysan kuwaas oo subax kasta laga soo qaadi jiray meydadkooda Xeebaha Kismaayo iyo qaar ka. Mid ah Xaafahada Kismayo Qaalid waxaa uu gablamiyey hooyooyin waxana uu geystay dhibaatooyin baahsan hase ahaatee Qaalid waxaa uu falankeeda galay si uu u noqdo Taliyaha Nabadsugida Jubaland si danbiyada uu geystay awood u siiyo.

Waqti dheer kuma aysan qaadan Qaalid in uu mashimo Taliyihii hore ee Ciidanka Nabadsugida Jubaland Ciise (Kaanbooni) si uu xilka ula wareego islamarkaana u sii xoojiyo Dhibaatooyinka baahsan ee ka dhacayo Magalada Kismayo mareegta shirqoolka Ciise kaambooni oo ahayd mid ku dhafan laluush iyo iyo is afgarasho xiriir hoose oo dhexmaray Qaalid Sheikh Abdulahi iyo Alshabab waxaa lagu qaarajiyey Ciise Kaambooni dad badan ayaan aaminsanayn sida sahlan iyo fudeydka loo dilay Ciise Kaambooni oo ahaa shaqsi u qalmo 50nin islamarkaana ay adkayd si loo dilo maadama uu inta badan ahaa ruux aan muuqan.

Ka dib Codsi uu u gudbiyey Madaxweynaha Jubbaland Qaalid Sheikh Abdulahi waxaa loo aqoonsaday in uu yahay Taliyaha Nabadsugida Jubaland halkaas oo uu ka sii xoojiyey dhibaatayntii xooganayd ee bulshada ku dhaqan Magalada Kismayo Qaalid waxaa uu dhacay Guryo boosas iyo hanti ay lahaayeen dad shacab ah waxaa uuna fududeeyey dil qorshaysan oo Magalada Kismayo loogu gaystay. Allaha u naxariistee Xildhibaan Cabdi Xakiin Celmi (Tima faras) oo ka mid ahaa Barlamanka Jubaland ilaa iyo hadana aan lahaynin gacan ku dhiig lihii gaystay dilkaasi oo uu ka warqabo Qaalid maadaama laaluush lagu siiyey dilka Masuulkaasi, Qaalid waxa uu hayaa liisaska Wariyaal Siyaasiin Ganacsato iyo Masuuliyiin ka tirsan Mamulka kuwaas oo dhamaan ay ku shabadaysan yihiin dilal qorsheysan.

Qaabka murgaxan ee uu wax ku wado Taliyaha Nabadsugida Jubaland Qaalid ee ah qabka islawaynida daciifnimada argagaxisnimada sinji nacaybka xasuuqa iyo kaligi talisnimada ku dhisan amar adayga aan tashiga lahayn waxaa ka hor yimid ku Xigeenadiisa Axmed Abdulahi Ciise (Gaas) iyo Sanjeex waxana ay si cad u dhaliileen habka foosha xun ee uu wax ku wajahayo Qaalid balse kaligi taliskaan aan hanbada reebin ayaa isku dayey dhowr jeer in uu ka taqaluso Axmed Abdulahi Ciise (Gaas) balse uma suurta galin oo waxaa is hortaagay qaar ka mid ah Taliyaasha ka hoos shaqeeyo Qaalid in kastoo muran iyo qilaaf soo jiitamayey bilooyin ugu danbeyn uu ku guuleystay Qaalid in uu Xilka ka xayuubiyo Taliye Ku xigeenkii hore ee Ciidanka Nabadsugida Jubaland Axmed Abdulahi Ciise (Gaas) islamarkaana rag ay sxbo dhaw yihiin Qaalid ayuu u dhiibtay ku Xigeenka Taliyenimo ee Nabad Sugida Jubaland saas oo ay tahayna wali wuxuu xulayaa jaanisyo uu ku dili karo dad u diwaan gashan oo uu qandaraas kula galay Ururka Alshabab.

Qaalid Sheikh Abdulahi waxa uu sameysatay Saaxiibo ay isla fuliyaan mashinimada iyo dhabaataynta shacabka Kismayo masuuliyiin iyo dad sharaf leh waxana ka mid ah asxaabta sida qaaska ah ula falgasho Qaalid Sargaalka Sida la sheegey qaabilsan daba galka hay’adaha si loo baabi’yo ogaanshaha dhibaatooyinka ay gaystaan kooxdaan, shaqsigaas oo lagu magacaabo Nuur Cumar oo ka soo jeedo jifada Bahgari ee beesha ogaadeen waa shaqsi horey uga tirsanaa Ururka Alshabab islamarkana geystay dhibaatooyin kala duwan ka hor iyo ka dib inta uu isu soo dhiibay Mamulka Jubaland Sargaalkaan waxa uu sahlaa dilalka iyo dhibaateynta umada isagoo adeegsanayo turjumad qaldan iyo tilmaamo aan hagis lahayn waana dulmi wade ku xalaalsado dhibaatada uu gaysto Qaalid oo ay isku Xulufo yihiin waana shaqsiga caadaystay Dilalka dhawaan dad rayid ah loogu gaystay Magalada Kismayo dadkaas oo ka soobjeedo beelo yar yar jareer sheiekhaal iyo beelo kaleeto isagoo la hoos galo Taliyaha Nabadsugida Jubaland Qaalid dhibaatada uu gaysto waana ninkii ka danbeeyey mashinkii fashilmay ee lagu qaarajin gaaray Wariye Saabir Abdulkadir Warsame oo isaga haajiray Magalada Kismayo. Sargaalkaan ayaa gacanta u galiyey Wariye Saabir argagixiso hubeysan xili saqdhexe ay tahay balse alle dile ayaa dhinto oo mashinkaasi waa uu fashilmay.

Qaalid ayaa leh Saraakiil yar yar oo u dhaga fudud islamarkaana aan akhlaaq iyo xushmad lahayn balse ay ka dhaadhacsan tahay qadiyada haybka iyo isla xasuuqida dulmanayaasha aan la arkin ee ku baab’ay Magalada Kismayo si gaar ah ayaan u soo bandhigi doonaa ragaasi

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.