R/W Kheyre oo shir kaga qeyb galaya Mareykanka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Magaalada Washington ee dalka Mareykanaka kaga qeyb galo Shir uu soo qaban qaabiyay Bangiga Aduunka.

Shirkaan ayaa Furmi doono 5-ta bishaan waxaana uu dhamaan doonaa 7-da bishaan March, waxaana looga hadli doonaa Maareynta dhibaatooyinka nabad galyo, iyo xasiloonida Wadamada Caalamka, waxaana si gaar ah diirada loogu saari doona xaalada wadamada soo koraya oo Soomaaliya ay ku jirto.

Ra’iisul Wasaaraha Xukumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shirkaan ka jeedin doona Khudbad uu kaga hadlaayo horumaradda ay sameysay Soomaaliya sanadkii lasoo dhaafay ee 2017-ka iyo waxa ay hiigsaneyso sanadaha kale, waxaa uu sidoo kale kulamo gooni gooni ah la yeelan doonaa Madaxda Shirkaasi ka qeyb gali doonto, isagoona ka hadli doonaa xiriirka Soomaaliya kala dhaxeeya dalalka Caalamka.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galaya qaar ka mid ah dalalka deeqaha bixiya, iyo sidoo kale dalalka Saboollka ah ee taageerada u baahan.

Magaalada Washington ee Caasimada dalka Mareykanka ayaa hadda waxaa ku qul qulaya Wafuuda shirkaas ka qeyb galeysa iyadoona Ra`iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu ka mid yahay wafuuda halkaas gaartay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.