Ismiidaamin ka dhacday duleedka Muqdisho

Qarax Gaari oo Ismiidaamin ahaa ayaa duhurnimadii maanta ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan Barta Kontorool ee degaanka Siinka-dheer, sida ay inoo sheegeen Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka.

Gaariga qarxay ayaa lagu joojiyay Bar koontarool oo ciidanka Aar oo Nabad Suggida ka tirsan ay ku leeyihiin degaanka Siinkadheer, waxaana socday baaritaan lagu sameynayay gaarigaasi la joojiyay.

Ruuxii waday gaariga ayaa qarxiyay gaariga, kadib markii uu dareemay inaysan suuragal u aheyn inuu la gudbo gaarigaasi oo uu doonayay inuu la soo galo Magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka.

Qiiq iyo uuro ayaa cirka isku shareertay markii uu qarxay gaarigaasi, iyadoo meelo ka mid ah Muqdisho laga arkayay uurada gaariga.

Qaraxan oo si weyn looga maqlay agagaarka uu ka dhacay ayaa waxa uu geystay khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac ah, inkastoo khasaaraha rasmiga ah weli aanan la sheegin.

Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo ka baxay Muqdisho ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay, waxayna halkaasi ka wadaan baaritaano, sidoo kale waxay xaqiijinayaan ammaanka.

Saraakiil ka tirsan Hay’adaha ammaanka ayaa warbaahinta u,sheegay in Ciidamada ammaanka ay ka hortageen qaraxan, waxayna saraakiishu sheegeen inuu kooban yahay khasaaraha qaraxan uu geystay.

Koontaroolka Siinka dheer oo gaadiidka Muqdisho soo galaya ay soo maraan ayaa si adag waxaa loogu baaraa gaadiidka, waxaana ciidanka NISA ay xoojiyeen feejignaanta dhanka baarista ah ee gaadiidka ay ku hayaan.

Dhinaca kale ururka Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxan, waxayna tilmaameen in qaraxaasi ay ku dileen in ka badan 10 Askari oo ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.