Mid ka mid ah Ergadii soo dooratay Xildhibaanada barlamaanka Soomaaliya oo lagu dilay duleedka Muqdisho.

Kooxo hubeysan ayaa Xalay fiidkii Xaafada Sarkuusta ee duleydka magaalada Muqdisho ku dishay Allaha u naxariistee mid ka mid ah ergadii soo dooratay xildhibaanada barlamaanka Soomaaliya.

Dadka dagan xaafada Sarkuusta  hadlay ayaa  sheegay in marxuumka la dilay uu ahaa gudoomiyaha Kaam ay dagan  yihiin dad Barakacayaal.

Goob joogayaasha ayaa sidoo kale sheegay in kooxihii dilka geystay ay goobta ka baxsadeen, waxaana goobta dilka uu ka dhacay gaaray ciidamo ka tirsan kuwa amaanka oo halkaas howgal kooban ka sameeyay.

Magaalada Muqdisho iyo qaar ka mida gobolada Dalka ayaa horay loogu dilay qaar ka mida Ergadii soo Dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.