Dowlada Uganda oo marti gilin doonto shir looga hadlayo arimaha AMISOM.

Madaxda wadamadda ciidamadoodu ay ka mid yihiin howlgalka Soomaaliya ee AMISOM ayaa ku kulmi doonaa Magaaladda Kampala ee dalka Uganda si ay uga hadlaan nidaamka ciidamadda Soomaaliya loogu wareejinayo masuuliyadda amaanka ee dalka.

War kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Uganda ayaa lagu sheegay in shirkaan uu ku baaqay madaxweeyne Yoweri Museveni waxaana soo Xaadiri doona wakiilo ka socda guddiga midowga africa, xoghaynta QM, guddiga midowga Europe iyo wakiilo ka socda shan xubnood ee joogtada ah ee QM.

Masuuliyiinta tagi doona magaaladda Kampala ayaa ka hadli doona waxyaabihii ka qabsoomay qodobo kasoo baxay shir magaaladda New York lagu qabtay Bishii September ee Sanadkii tagay ee 2017da.

Madaxweeyne Yoweri Museveni ciidamadda ugu badan ayaa ka jooga Soomaaliya

Howlagalka AMISOM oo sanadkii 2007 dii loo sameeyay Nabadeeynta Soomaaliya ayaa tiro dhowr jeer ah helay Muddo kordhin, 11 sano oo ay Ciidamadda AMISOM Soomaaliya ka howlgalayaan wali ma aysan hubin Guusha Hadafkii loo aasaasay.

Bishii December AMISOM waxay la baxday 1000 ka mid ah Ciidamadda Soomaaliya jooga. Walina Madaxda Wadamadda Ciidamadda AMISOM ay ka yimaadeen iyo ururadda AMISOM taageera waxay ka wada hadlayaan sidii AMISOM ay ubixi lahayd Ciidamadda Soomalaiyana ay Amniga dalka ula wareegi lahaayeen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.