Waa Maxay Ujeedka Ra’iisul wasaare Kheyre iyo Waftiga uu hoggaaminayo ay ku Tageen Imaaraadka”Sawirro”

Waxaa mudooyinkii dambe Madow Soo kala dhex galay Xirirka Dowlada soomaliya Iyo Imaardka DHadaba dowlada Imaardka ayaa waxay Casumaad u fidisay Dowlada Soomaliya si loo xoojiyo xirirka labada dal madaama ay Madaxda Dowlada Soomaliya ay noqdeen kuwa Mowqif adag ka istaagay qilaafka soo kala dhex galay wadamada Khaalijka.

Raysawasaaraha Xukuumadda Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre iyo Wafdigii uu hoggaaminayay ayaa gaaray magaalada AbuDhabi ee Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta , Halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyay, Ra’iisul Wasaaraha waxaa socdaalkiisa ku wehliya Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Amniga Qaranka, Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Xildhibaanno iyo Xubno kale.

Raysawasaaraha iyo waftigiisa Waxaa Goroonka Diyaaradaha Magaalada Abudhabi si diiran ugu soo dhaweeyay Wasiirka tamarta iyo warshadaha Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Suhail Mohamed Faraj Al Mazrouei

Raysawasaare Khayre inta uu joogo wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta kulamo la qaadan doono Madaxda Dalkaas si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka u dhexeeya labada Dal Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo bar yihii dambe Mugdi soo kala dhexgalay.
khayre

khayre

.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.