Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kulan laqaatay Wafti kasocda turkiga

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Xog-hayaha Guud ee Dawladaha Hoose ee dalka Turkiga Mudane Hayrettin Gungor iyo wafdi uu hoggaaminayey.

Guddoomiyaha ayaa uga mahadceliyey Dawladda Turkiga kaalinta ay ka qaadatay dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha ee gobolka Benaadir iyo dadaalka dheer ee ay ku bixisay bilicda iyo qurxinata Muqdisho.

Xog-hayaha guud ee dawladaha hoose ee dalka Turkiga ayaa dhankiisa uga mahad celiyey maamulka iyo bulshada Gobolka sida diirran ee ay u soo dhaweeyeen, isagoona tilmaamay sida ay uga go’antahay dhankooda in ay kaalin muhiim ah ka qaataan horumarinta bilicda Caasimadda Muqdisho, kaabayaasha dhaqaalaha iyo kor u qaadista fursadaha shaqo ee dhallinyarada gobolka Benaadir.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.