Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha oo Imtixaan u furtay wakiilada Ganacsiga Dalka.

mareeye

Qiimeyn lagu sameynayo  tayada wakiilada ganacsiga ee Soomaaliya u dirsan doonto dalalka caalamka ee xiriirka ganacsi ay la leedahay ayaa maanta waxaa uu ka furmay Magaalada Muqdisho waxaana Imtixaanka oo maalmo soco doona furay wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha dalka mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye .

Wasiir Maareeye ayaa u sheegay ka qayb galayaasha Imtixaanka qiimeeynta ah in ay dowladda Soomaaliya ka go’antahay xoojinta xiriirka diplumacy iyo ganacsi ay la leedahay dalalka caalamka ujeedkuna yahay in ganacsatada Soomaaliyeed ganacsigooda la hormariyo wakiilada qiimeyntaan ku soo baxaa ayaana door weyn ka qaadan doona arintaas.

“Markii aan anigu imid wasaaradda waxaan bilaabay inaan qiimeeyo dalalka aan la leenahay xiriirka ganacsi iyo wakiilada noogu qoran waxaan ogaaday in ay wakiiladu badan yihiin shaqana aysan qaban oo aysan qaban howshii loo idmaday waxaan go,aansanay in aan imtixaan qaadno oo aan dardar galino arintaas maanta ayaana loo fadhiyaa waxaana ka shaqeyn doonaa inuu qaab cadaalad ah u dhaco ” ayuu yiri wasiir maareeye.

Mudane Maxamed Cabdi Xayir wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya ayaa sheegay in markii wasaaradu qiimeysay sababta wakiiladii hore qaar badan oo ka mid ah ay u gudan waayeen waajibkii loo idmaday ay soo baxday cabasho badan oo u baahan in wasaaraddaha  arrimaha dibadda iyo ganacsigu iska kaashadaan arintaana ay si dhaqso ula falgalin doonaan.

“Cabshada ugu badan ee na soo gaartay sidii howshaan aan u guda galnay ayaa ah in wax badan oo caqabado ah ay ka jiraan dhanka wada shaqeynta safiirka dalkaas jooga iyo wakiilka ganacsiga ee la diray taas waxaan rabnaa in aan la kaashano wasaaradda Arrimaha dibadda oo aan wax ka wada qabano” ayuu yiri Maareeye.

Wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha dalka ayaa dadaal xoogan ugu jirtay hormarinta ganacsiga dalka iyo sidii ganacsatada dalku aduunka ugu iib geyn lahaayeen wax soo saarka dalka iyadoo dowladda dhexe ay ka caawineyso sida hugaanka sare ee wasaaradu xaqiijiyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.