SAWIRRO: Saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay oo gaaray Dhuusamareeb

 Saraakiil ka socota Qaramada Midoobay, ayaa maanta oo talaado ah waxa ay gaareen Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug.

Saraakiishaan oo dhanka ammaanka qaabilsan, ayaa ujeedka ay u tageen Magaalada Dhuusamareeb waxa ay la xiriirta ka qayb galka xiritaanka Shir amniga ku saabsanaa oo maanta lagu soo gaba gabeynaayo Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa Axadii Magaalada Dhuusamareeb ka furay Shirkaan amniga ku saabsan.

Waxaa ka qaybgalaya Shirkaasi Saraakiil ka tirsan Amisom iyo Saraakiisha Ciidamada Maamulka Galmudug, iyadoo lagu gorfeynaayay sida ugu haboon ee Shabaab looga saari karo dhulka ay ku sugan yihiin ee deeganada Galmudug.

Shirka amniga Dhuusamareeb, ayaa la filayaa in maanta la soo xiro kadibna laga soo saaro warmurtiyeed ku aadan go’aanada ka dhanka ah Shabaab

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.