Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo xukun dil ah ku riday sarkaalkii ka danbeeyay dilkii Siciid Mariine

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa goordhow waxa ay xukun ku riday Sarkaalkii ka dambeeyay dilkii Taliye ku xigeenkii ciidanka Badda Soomaaliya Allaha u Naxariistee General Siciid Aadan Dheere (Siciid Mariine)

Bishii January ee sanadkaan ayaa Taliye ku xigeenkii ciidanka Badda Soomaaliya Allaha u Naxariistee General Siciid Aadan Dheere (Siciid Mariine) lagu dilay gudaha Dekada Magaalada Muqdisho.

Dilka Siciid Mariine ayaa waxaa loo qabtay Cabdi Naasir Xoosh Maxamed oo ahaa Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Badda.

Cabdi Naasir Xoosh Maxamed ayaa 10 bishaan February ka soo muuqday Maxkamada Ciidamada qalabka Sida ee Soomaaliya, laakiin maxkamada ayaa maanta si rasmi ah xarun dil ugu riday  Cabdi Naasir Xoosh Maxamed oo ahaa Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Badda Soomaaliya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.