Wasaarada Caafimaadka oo Taliska Booliska ka dalbatay in la soo qabto Shaqsiyaadka Muqdisho ku iibiya Cunooyinka gar-gaarka ee looga tala galay dadka Dhibaateysan(akhriso)

Qoraal ay soo saartay wasaaradda caafimaadka ayay ku sheegtay in suuqyada Muqdisho cunooyinka lagu kala gato ay ka mid yihiin:-Digir, Haruur, Buskud, Malmalaaddo, iyo cunooyin kale oo loogu talagalay caruurta nafaqo la’aanta hayso.

Waxaa qoraalkaan ku saxiixan Wasiirka ku xigeenka Caafimaadka Xuseen Cusmaan Xuseen, kaasoo saraakiisha ciidamada Boliiska ku amray inay soo xiraan dadka ka ganacsanay cunnooyinkaas.

Wasaarada Caafimaaadka Soomaaliya ayaa amar ku bixisay in gacanta lagu dhigo Shaqsiyaad la Sheegay in ay muqdisho ku iibiyaan gargaarka cunooyinka ee loogu tala galay Dadka Danta danta yar ee ku dhibaateysan Dalka.

Sidoo kale wasaarada ayaa waxaa sheegtay in ay muhiim tahay in la soo qabto raashiinka,iyo la soo xiro dadka Caadeystay ka ganacsiga  cuntooyinka iyo daawooyinka looga tala galay in la badbaadiyo dadka tabaaleysan ee Xaaladooda liidato.

Saraakiisha ugu sareysa ee Wasaarada Caafimaadka ayaa waxaa ay Suuqyada Muqdisho ay ku soo arkeen cuntooyin khaas ah oo loo keenay caruurta iyo dadka nafaqo darada haysato

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.