TOP News: Xildhibaan faarax Cabdi Xasan oo baaq culus udiray axmed madoobe iyo jawaabta…..

farah

Xilli xalay magaalada kismaayo lagu dhaawacay haweeney kamid ah shacabka kismaayo ku dhaqan isla markaana wali aysan kahadal maamulayaasha kismaayo ayaa waxaa arinkaasi ay siweyn u qabsatay baraha bulshada.

Masuuliyiin katirsan dowlada dhexe ayaa madaxda jubbaland baaq u diray ay kuweydiinayaan in arintaasi laga hadlo.

Faarax cabdi xasan oo baarlamaanka soomaaliya katirsan aya bartiisa facebookga soo dhigay qoraal uu ku yiri “Arrinta Gabadhaan in wax laga qabtaa waa mas’uuliyad saaran madaxda jubbaland, waa inay heshaa caddaalad. Waa mas’uuliyad u taal madaxweynaha oo ilaaladiisa lagu eedaynayo kiiskaan iyo wasaaradda caddaalada”, isagoo dhinaca kale ku nuuxnuuxsaday in cadaalad ay hesho gabadha.

Gabadha oo kasoo jeeda beesha sade ayaa lasheegay in ilaalada axmed madoobe ay dhaawaceen taasi oo ay la dhaceen rasaas halis ah oo nafteeda kooma galisay.

Kismaayo ayey caaadi katahay in la ugaarsado shacab hal beel ah kasoo jeeda waa beesha sade tiiyoo ay dheertahay in masuuliyiinta maamulka katirsan ay arinkaasi ka gaabsadaan.

gabar

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.