Suuqa bakaaraha oo maalintii labaad Xeran iyo saameyn ka dhalatay.

Saakay waxaa maalinti labaad xeran suuqa weyn ee bakaaro oo ganacsatadu gadood canshuurta Iibka ah ay diidanyihiin awgeed ah u xereeen maalinti shalay ahayd.

Canshuurta iibka waa canshuur loogu talo galay in laga qaado iibka badeecooyinka marka laga reebo raashiinka , waxaana wasaarada maaliyada ay dooneysaa in canshuurta la qaado xiliga ay ganacsatadu badeecada ka qaadanayaan dekada Muqisho taasi oo keentay in maalmo aaney dekadu shaqeyn shalay iyo saakayna xernaado suuqa weyn ee bakaaro.

Qaar kamid ah ganacsatada ayaa inoo sheegay in aysan maanta furi doonin suuqa sidoo kale na aysan sheegi karin xiliga rasmiga ah ee ay dib suuqa u fri doonaan , qeybaha suuqa ee raashiinka , iyo bagaashka nuucyadiisa kale ayaa dhamaan xeran waxaana jira gudi ganacsatada kamid ahi oo shalay iyo saakay ku jira kormeerka dhaqan galka go’aanadooda ee ku aadan xernaanshiyaha dhamaan xarumaha ganacsi ee suuqa.

Saameynta ay shaqo la’aanta bakaaraha ku leedahay danyarta ka xamaalata ayaa sii kordheysa maadaama maanta ay tahay maalinti labaad waxaana laga dhowr sugayaa sida uu ku so afjarmi doono khilaafka hakadka keenay ee u dhaxeya ganacsatada iyo wasaarada maaliyada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.