Ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga oo todobaadka soo socda booqasho ku imaanaya Soomaaliya

Hakan Jaush Ogolo Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Turkiga ayaa sameyn doono todobaadka soo socda laba booqasho oo rasmi ah oo uu ku tagayo wadamada Sudan iyo Soomaaliya.

Warbaahinta Turkiga ayaa soo xiganaysa mas’uul sare oo ka tirsan Dowladda Turkiga oo sheegaya in maalinta Talaadada ee todobaadka danbe uu Ra’iisul wasaare ku xigeenka uu booqan doono dalka Sudan oo mudo laba maalmood uu joogi doono.

Bayaanka laga soo xiganayo xarunta dhexe ee warfaafinta wadanka Turkiga ayaa lagu sheegay in Ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga uu u soo safri doono Soomaaliya marka uu soo gaba gabeeyo booqashadiisa dalka Sudan.

Wakaala wararka ee Anadol ee Turkiga wararka u faafisa ayaa sheegtay in Ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga inta uu joogo Muqdisho uu la kulmi doono madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo mas’uuliyiinta dowladda.

Wakaalada ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya waxyaabaha uu imaanayo ay qeyb ka tahay kormeerka ciidamada Soomaalida ee lagu tababaro saldhig ay Turkiga ku leeyihin Muqdisho iyo dhul dhawaan lagu wareejiyay Turkiga oo jaziira ku yaala.

Sarkaal u hadlay Turkiga ayaa sheegay in ciidamada Soomaalida ee lagu tababaro saldhiga Turkiga ay ka qeyb qaadan doonan howlgal ka dhan ah Al-shabab oo laga sameenayo Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.