Golaha Wasiirada oo kulan deg deg ka yeelanaya Muranka u dhexeeya wasaarada maaliyada iyo ganacsatada.

Waxaa Maanta lagu wadaa in Kulan Deg deg ah ay golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho,kaasi oo laga hadli doono Arimaha la Xiriiri muranka Xiligan ka dhex taagan Wasaarada Maaliyada iyo ganacsatada Soomaaliyeed.

Saraakiil ku sugan Xafiiska R/Wasaaraha Soomaaliya Xasan cali Kheyre ayaa sheegay in Saacadaha Soo aadan ay kulankan ku yeesheen magaalada muqdisho,Kadibna ayaa waxaa la filayaaa in Golaha Wasiirada ay go’aano adag ay ka soo saaraan kulankooda.

Sidoo kale wararka ayaa waxaa ay sheegeen in wasiirka Maaliyada Soomaaliya Cabdi Raxmaan Ducaale beyle uu Warbixin ka siiyo golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya,Hanaanka Canshuurta loo qaadayo.

Wariyaasha ayaa goordhow waxaa looga yeeray xarunta Madaxtooyada Soomaaliya,Maadaama Kulanka golaha Wasiirada intiisa badan diirada lagu saari doono Shaqo joojinta ay sameeyeen Ganacsatada Soomaaliyeed.

Kulanka golaha wasiirada marka uu soo dhamaado ayaa waxaa lagu wadaa in Xal waara loo helo tabashooyinka ay muujinayaan ganacsatada Soomaaliyeed.

Shalay ayay aheyd markii Ganacsatada Suuqa bakaaraha ay ku dhawaaqeen In ay joojiyeen ganacsiga Suuqa Weyn ee bakaaraha,kadib markii cabasho ay ka keeneen Canshuurta ay ku soo rogtay Wasaarada Maaliyada Soomaaliya,taasi oo looga qaadayo Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho.

Balse Ganacsiga suuqa Bakaaraha ayaa xeran maalintii labaad,iyadoona Taasi ay saameyn ku yeelatay Dadka Danta yar ee ku nool Suuqa Weyn ee Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.