Koonfur Galbeed Oo Heshiis La Gashay Shirkad Dhiseysa Dekedaha Marka Iyo baraawe

Maamulka Koonfur Galbeed Somaliya ayaa heshiis la gaaray shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha, taasoo lagu wado inay dhisto, isla-markaana ballaariso Dekedaha Magaalooyinka Marka iyo Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Sida uu qorshuhu yahay Shirkadda SIIH (Silkroad International Industry Holding) oo bahwadaag la ah Shirkadda Damerjog oo laga leeyahay dalka Jabuuti ayaa marka hore dhisi doonto dekedda ku taala Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose ee Magaalada Marka.

Silkroad International Industry Holding ayaa dhismaha Dekedda Magaalada Marka bilaabi doonto sanadkan gudahiisa.

Heshiiskan oo mid saddex geesood ahaa ayaa waxaa Isniintii shalay Magaalada Djibouti ku wada gaaray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Gudoomiyaha Maamulka Dekedaha Jabuuti, Abuubakar Cumar Hadi iyo masuuliyiin ka socday Shirkadda SIIH.

Munaasabadda heshiiskan lagu kala saxiixday ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubno uu ka mid yahay Danjiraha Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Somaliya, Danjire Aadan Xasan Aadan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.