Dil ka dhacay muqdisho

Rag hubaysan oo ka tirsan Al Shabaab ayaa maanta barqadii Degmada Wadajir waxa ay ku dileen nin magaciisa lagu sheegay Maxamed Tima Jilic oo la sheegay inuu ahaa tababare ciidanka dowladda.

Al Shabaab ayaa sheegtay in Maxamed Tima Jilic ay ku dileen Degmada Wadajir, raggii ka dambeeyay dilkiisana ay ka baxsadeen goobtii ay dilka ka gaysteen.

Waxa ay sheegeen Shabaab Maxamed Tima Jilic inuu ahaa Macalin dhanka tababarada u qaabilsan ciidamada Militariga dowladda Federalka Somaliya.

Ka sokoow hadalka sheegashada Shabaab ma jirto ilo ka madax banaan Ururka Al Shabaab oo xaqiijinaya ruuxa la dilay inuu ahaa nin macalin ah oo ciidamada dowladda tababari jiray

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.