Sawirro:-Al-Shabaab Oo Odayaal Ay U Tababareen Toogashada Soo Bandhigay.

Magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe ayay Al-Shabaab ku soo bandhigeen tiro Odaayaal ah oo ay mudo u tababarayeen Toogashada.

Goobta Odayaashaan lagu soo bandhigayay oo ah Fagaaraha Macalin Aadan  ee degmada Jilib ayaa waxa ay wateen qoriga Ak-47,waxana ku sugnaa Boqolaal ka mid ah Shacabka degmadaas kuwaas oo daawanayay.

Al Shabaab ayaa horay u tababaray, dhalinyaro, caruur iyo Haween, haddana waxa ay tababar siiyaan Odayaasha si ay uga qayb galaan falalka toogashada ah.

Magaalooyinka Shabaab ay ka maamulaan Gobolada dalka Somaliya ayaa waxaa ku yaallo xeryo kala duwan oo Shabaab dadka ay ku tababaraan.

Hoos Ka Daawo Sawirrada

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.