Akhriso:Qormo Anfici Doonta Dhalinyarada Jubbaland W/Q Saabir Abdulkadir Warsame

saabir

Ururka Dhalinyarada Jubbaland waa kuwama?
Waxaa jiro Urur la baxay Ururka Dhalinyarada Jubbaland waxana Gudoomiye isu magacaabay shaqsi halka Gudoomiye Gobol iyo degmana uu u Soo xushay Sxbo gaar ah sida la og yahay ma jirto Urur ay ku mideysan yihiin Dhalinyarada Jubbaland sababtoo ah Gudoomiyaha Ururka iyo Xubnaha kale ee hogaanka hayo maahan dad ku yimid doorasho iyo rabitaanka Dhalinyarada Sadexda Gobolka ee Jubalnd.
Jubaland waxa ay ka kooban tahay Sadex Gobol waxaana ku kala nool Dhalinyaro jecel Midnimada Jubaland iyo wax wada qeybsiga Hormarka iyo la dagaalanka dib u socodka dhalintaasi hamuunta kaliya ee ay qabaan waa Hogaan isu keeno kaas oo ku yimaado Doorasho iyo Rabitaankooda Aqoona u leh Hogaaminta Dhalinyarada si door wanagsan ay uga qaataan dhalintu Hormarka Amaanka Wax barashada Caafimadka Abuurista fursado ay ka faaideystaan Dhalinyarada aan shaqada hayn Daryeelka Miskiinta Soo celinta Bilicda Degmooyinka la Dagaalanka Musuqmaasuqa Mideynta Dhalinta iyo Xoojinta Xiriirka ka dhexeeyo Degmooyinka Gobolada.

Shantii Sano ee ay dhisnaayeen Ururka lamagac baxay Ururka Dhalinyarada Jubbaland ma jirto Wax ka qabashada arimahan.

(1) Mideyn Dhalinyaro waayo hadiiba aysan dhalinyaradu mideysnayn ma jirto wax hagaagayo waana wadada ugu horeysa ee laga anbaqaado Hiigsiga Bulsho mideysan.
(2) Ol olaha Nadaafada Degmooyinka iyo Soo celinta bilicda Magalooyinka Sadexda Gobol.
(3) U doodista Xaquuqda barakacayaasha iyo Caawinta kuwa tabaaleysan ee u baahan taba rucaadka sida dadkii ku cayrtoobay Abaarihihii Soo maray Gobolada Jiroolayaasha Aan haysan dabiibka.
(4) Ka shaqeynta is dhexgalka bulshada si loo helo dad is jecel kana wada shaqeeyo Hormarka guud.
(5) Soo gudbinta Baahiyaha Degmooyinka iyo Tuulooyinka sida Xaruumaha Caafimadka Goobaha Waxbarashada Biyaha nadiifta ah dhiira galinta dhinyarada Ciyaaraha iyo Mashruucyo kale.
(6) Ka shaqeynta nabada Amaanka iyo Xalinta Qilaafaadka Deegaanada.
(7) jiritaan la’aanta hal xaafiis oo ay leeyihiin Ururkan sheegtay in ay yihiin ururka dhalinyarada Jubaland oo qaatay magacii Dhalinta Sadexda Gobol.
Guul daradu waxay timaadaa marka uu habac dhaco (dulduleel yimaado) loo aaneeyo Qibrad xumo iyo wada jir la’aan taana waa mida ka dhigtay kalinimada Ururka dadka sheegtay Ururka Dhalinyarada Jubbaland.

Allaha u naxariistee Wasiirkii hore ee Ciyaaraha iyo Dhalinyarada Jubbaland (Ina owlibaax) ayaa markii uu arkay habqanka iyo dabaca baahsan ee ka jiro Ururka Dhalinyarada Jubbaland waxaa uu ku dhawaaqay doorasho ay ku mideysan yihiin Dhalinyarada Jubbaland si isbadal wayn looga arko Ururka Dhalinyarada isla maalintii Wasiirku shaaciyey in Doorasho ay u diyaar garoobaan Dhalinyarada Jubbaland ayaa waxaa arinkaasi si cad oo qayaxan uga hor yimid kuwo sheegtay hogaanka Dhalinyarada Jubbaland kuwaas oo mudo horaadyo ka sameeyey Magalada Kismayo si ay u sii wataan lunsashada Xaquuqda Dhalinyarada Jubbaland iyo wax qabad xumada baahsan ee Ururka qaar ka mid ah dadka sheeganayo Hogaanka Dhalinyarada Jubbaland oo xiligaasi si hadlayey ayaa waxay ka dhawaajiyeen ereyo ay ka mid ahaayeen ‘Fara galinta qaawan ee uu Wasiirku bilaabay hadii aan la joojin waxaan racaynaa Ururka Alshabab waxana isaga baxaynaa Magalada Kismayo.’

Halkaas waxaa ka cad in aysan jirin Urur Dhalinyaro waayo hanjabaad intaas dhan Awood uma lahan Urur dhalinyaro oo u adeego Bulshada Rayidk nasiibkuse wuxuu saaciday markii uu geeriyooday Allaha u naxariiste Wasiirkii Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Jubaland kaas oo u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax Kooxda Alshabab ay ku dhufteen Saldhiga Degmada Waabari ee Gobalka Benaadir waxana ay halkoodii ka sii wateen howlahoodi humaagta ahaa
Macaansiga ku tagris falista Xaquuqda bulshada rayidka ah waa mid in badan soo jiitamaysay loona baahan yahay in si wada jir ah ay isaga kaa shadaan ka gudbisteeda Dhalinyarada Jubbaland ee mustaqbalka wanaagsan ka rabto hormarka bulshadooda.

Hadii ay ay humaag kaaga jirtay maanta ogow Magac u yaalka loo sameyey Ururka Dhalinyarada Jubbaland dhalintu waa in ay toosaan kana tashadaan aayahooda iyo nabad galyadooda Doorasho Xor ah iyo hogaan midreyo guud ahaan Dhalinyarada Jubbaland.

Qore Saabir Abdulkadir Warsame

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.