Gudiga Doorashooyinka oo warbixin hor geyn doono Madaxda Qaranka oo muqdisho ku shiri doono.

Waxaa dhawaan la filayaa in Magaalada Muqdisho ay shirk ku yeelan doonaan Madaxda ugu sareysa Dowlada fedraalka Soomaaliya iyo Madaxda dowlada Goboleedyada dalka.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in Magaalada Muqdisho ay soo gaaraan Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo wafdiga lasocda si ay ugu qeyb galaan shirkaan ka furmaya magaalada Muqdisho.

Shirkaan ayaa waxaa looga hadlayaa  wixii ka dhaqan galay shirkii ugu danbeeyay ee u dhaxeeyay Dowlada Dhexe iyo Madaxda dowlad goboleedyada, waxaa kaloo shirkaan looga hadli doonaa sidii loo sameyn lahaa ciidamo isku dhaf ah, sugida Amniga, Sidii loo wadaagi lahaa Kheedraadka dalka deeqaha, iyo sidii loo gaari lahaa doorasho qof iyo cod ah marka la gaaro saandka 2020ka.

Sidoo kale shirkaan ayaa la filayaa in warbixin looga dhageysto Gudiga doorashooyinka madaxa banaan ee Qaranka, gudigaan oo sharixi doono qaab ay u dhici karto doortasho qof iyo cod ah sanadka 2020 ka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.