Sawirro:-Agaasime Koofi Oo Amar Dul-Dhigay Madaxda Waaxyaha Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadaha

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Col.Mohamed Adam Kofi ayaa maanta soo xiray tababar labo maalin u socday madaxda waaxyaha Hay’adda oo lagu baranaayay habka Isku jaan goynta Maaliyada iyo baahiyaha Xafiisyada.

Col. Maxamed Aadam Kofi,Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa madaxda waaxyaha u sheegay in ay muhiim tahay in la isku dheelitiro howlaha xafiisyada ay qabtaan iyo qarashaadka ku baxaaya baahiya Xafiisyada.

Sidoo kale,Wuxuu Mr. Kofi tilmaamay in Agaasin kasta oo madax ka ah waaxyaha Hay’adda looga baahan yahay isku jaan goynta baahida xafiiskiisa iyo qarashka ku baxaya.

Ugu dambeyn Agaasimaha ayaa tababarka soo xiray, waxaana uu ku amray madaxda maanta tababarka loo soo xiray in ay gaarsiiyaan tababarka ay qaateen  saraakiisha kale ee Hay’adda ka howlgasha. Sido kalena waxyabaha ay barteen laga dhaqan galiyo xafiisyada Hay’adda.

Hoos ka daawo sawirada

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.