Xaalada degaanka tukaraq oo Saakay Degan.

Waxaa Saaka degan xaalada tuulada Tukaraq oo dagaal uu shalay ku dhexmaray ciidamada  Maamulka Puntland iyo Somaliland, iyadoona Dadka deegaanku ay sheegayaan inay degan tahay xaalada goobihii ay shalay ka dhaceen dagaalada.

Ciidanka maamulka Somaliland oo markoodii hore bilaabay dagaalka ayaa weeraray tuuladan, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal kooban oo dhexmaray ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyey in wali deegaanka laga dareemayo xiisad colaadeed, waxaana dadka ay cabsi ka muujiyeen in markale dagaal uu halakas ka qarxo, Waxaana la sheegay inuu socdo abuubul ciidan oo ay wadan labada dhinac.

Sidoo kale, ciidamada Somaliland ayaa weli ku sugan Tukaraq, kuwaa oo dhufeysyo dagaal ka sameystay dhammaan
goobihii ay kala wareegeen ciidamada maamulka Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.