Ciidmada amaanka Galmudug oo ka gacanta ku dhigay Gaadid ay Maleeshiyaad ku dhaceen Wadada isku xirto magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusomareeb.

Ciidamda Booliska iyo Nabad sugidd Maamulka Galmudug ayaa gacanta Ku dhigay Maleeshiyaad ay sheegeen in ay dhac ka geysan  jireen  Deegaano ku yaalla inta u dhaxeyso Magaalooyinka Cadoodo iyo Dhuusamareeb  ee Gobolka Galgaduud.

Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Booliska Magaalada Cadaado
Cumar Macalin Cali oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in howgalkooda ay Ku qabteen Maleeshiyaad gacanta ku hayay gaari Xamuul ah oo ay si afduub ah Ku heysteen.
Waxaa uu intaasi raaciyay in ay Ku raad  joogaan  mid ka mida shaqsiyaadka uu Maleeshiyaadka  Ku sheegay kuwaa oo  ka cararay  Xilliga ay kuwa kale qabanayeen.
Magadaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa horay u sheegay in aan marnaba loo dulqaadan doonin koox dhac  u geysaneyso shacabka Deegaanada iyo degmooyinka Maamulkasi  waxaana uu Ciidamada Maamulkasi  Ku amray in ay Sameyaan Howlgallo lagu baacsanayo shaqsiyaadka jidgoojooyinka dhiganayo.
Waxaana xusid mudan in aan weli laga sifeynin Deegaanada Maamuka Galmudug

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.