M/Farmaajo oo la kulmay xogayaha guud ee Q.M.

Madaxweenaha Dowlada Fedraalka Soomaaliya Maxamed cabdulaahi Farmaajo ayaa Magaaladda Addis Ababa ee xarunta wadanka Itoobiya kula kulmay Xoghaya Guud ee Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey Antio gutteres waxayna kawada Hadleen Arrimo ay ka mid yihiin Xasiloonida Dalka iyo dad-dar galinta dadaalada bani aadanimo ee Soomaaliya, msuuliyiinta ayaa sidoo kale isla soo qaaday horumaradda Dowladda Soomaaliya ay Sameeysay Sanadkii lasoo dhaafay ee 2017ka.

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi la socda aya Magaaladda Addib Ababa utagay ka qaybgalka Shir madaxeedka Uruurka Midowga Africa.

Bogga Twitter-ka ee Villa Soomaaliya ayaa lagu Qoray in Xoghayaha Guud ee Q.M  Antonio Guterres uu Dowladda Soomaaliya ku Amaanay tilaabooyinka ay u qaaday dhica horumarka.

Madaxdeeyne Farmaajo ayaa Q.M ugu mahad celiyay taageeradda ay la barbar taagantahay Soomaalida.

Magaalada Addis Ababa waxaa maanta waxaa ka furmay Shir Madaxeedka  ee Midowga Afrika, Shirkan oo ah kii 30-aad ee Madaxda Afrika isugu yimaaddaan ayaa waxaa diiradda lagu Saari doonaa Sadax arrimood oo kala ah Hirgalinta Isbadaladda Ururka , Doorashadda 10-ka Xubnood ee Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Africa iyo Socodka Xorta ah ee Dadka Qaaradda Afrika.

Sidoo kale, inta uu shirku socdo waxa jiri doona shirar gooni gooni ah o uu Madaxweyne Farmaajo la yeelan doono qaar ka mid ah Madaxda Afrika, kuwaas oo uu kala hadli doono xoojinta iskaashiga labada dal.

Magaaladda Addis Ababa waxaa horey ugu sugnaa wafdi uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Ah ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad oo gogol xaar u ahaa Wafdiga Madaxweynaha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.