Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle oo Xildhibaan u tartamaya

hirshabele

Madaxweynihii hore ee Maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa shaaciyay inuu u tartamayo Kursiga Xildhibaano ee golaha shacabka ee yaalla Magaalada Jowhar.

Kursigaan ayaa waxaa baneeyay Maxamed C/llaahi Sanbaloolshe ka dib markii looo Magacaabay Taliyaha Nabad Sugidda iyo Sirdoonka qaranka Soomaaliyeed.

Waxaa hada ku tartamaya sida la sheegay siyaasiyiin ay ka mid yihiin Daahir Cabdulle, Maxamed C/llaahi Sanbaloolshe, Cali C/llaahi Cosoble iyo siyaasiyiin kale.

Madaxweynihii hore ee Maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble oo shalay gaaray Magaalada Jowhar ayaa ugu baaqay musharaxiinta iney si hufan usoo bandhigaan musharaxnimadooda.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay muhiim in si wadajir ah loogu shaqeeyo hormarinta iyo amaanka degaanada Hirshabeelle.

Maalinta Beri ah ayaa si rasmi ah Magaalada Jowhar waxa lagu wadaa iney ka qabsoonto doorashada Kursi ka mid ah kuraasta Xildhibaanada golaha shacabka ee deegaanada Hirshabeelle, waxaana Magaalada Jowhar gaaray musharaxiin doonaya iney kursigaan ku tartamaan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.