Thaabit oo magacaabay Guddiga xil wareejinta Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ee Xafiiska sii baneynaya Thaabit Cabdi Maxamed ayaa maanta magacaabay Guddiga Xilwarerjinta.

thaabit
Guddigan uu magacaabay Thaabit Cabdi Maxamed Duqii hore ee Muqdisho ayaa waxa ay ka kooban yihiin Saddex iyo Toban xubnood oo isugu jira Rag iyo Dumar, kuwaasi oo diyaarinaya Munaasabadda xil wareejinta.

Sidaas darteed Guddiga uu magacaabay Guddoomiye waxay sameyn doonaan xilwareejin dimuquraadiyad leh, xalaal ah, islamarkaana raadraac leh.

Waxaa xilka wareejin doona Guddoomiyahii Gobolka Banaadir ahaana Duqa Magaaladda Muqdisho iyo Ku xigeenadiisa sida; Arrimaha Amniga & siyaasadda , Arrimaha Bulshada, Maamulka iyo Maaliyadda iyo Xoghayaha Guud ee Gobolka Benaadir.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) iyo ku xigeenadiisa ayaa xilka la wareegi doona, kuwaasi oo Axadii ina dhaaftay uu magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed (Farmaajo).

Guddoomiyaha cusub iyo ku xigeenadiisa ayaa waxa horyaalla shaqooyin fara badan oo ku saabsan Gobolka Banaadir, iyada oo shacabka Muqdisho ay isha ku hayaan Maamulka cusub

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.